afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:15 pm | Posted by

DAAWO+SAWIRRO:Ciidamo Booliis ah oo katirsan AMISOM oo markii ugu horeesay Magaalada Muqdisho lagu arkay

Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho soo gaaray Ciidamo Booliis ah oo katirsan AMISOM kuwaa oo qeyb ka qaadanaya sugida amaanka Magaalada Muqdisho oo la filayo in dhawaan ka dhacaan Doorashooyin.

Ciidamada Booliiska oo hada hordhac ahaan u yimaadeen Ciidamo kasocda Booliiska Ugandha ayaa sidoo kale la filayaa in Magaalada Muqdisho soo gaaraan Ciidamo kale oo Booliis ah oo kasocda Dalalka Nigeria, Sierra Leone iyo Jabuuti.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Booliiskan AMISOM katirsan ka qeyb qaadan doonaan Xoojinta amaanka Magaalaxda Muqdisho iyo sidii loo soo celin lahaa amaanka magaalada iyo kala danbeynta .

Afhayeenka waxa uu xusay in Howlaha ugu muhiimsan ay qaban doonaan Ciidamada Booliiska ee AMISOM katirsan in ee yihiin ilaalinta Shacabka ,waxa uunna intaa ku daray in Ciidankan ka howl gali doonaan Saldhigyada Booliiska ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayana hada lagu arkay Magaalada Muqdisho iyagoona saldhigyo ka dhigtay qaar kamid ah Saldhigyada Booliiska Muqdisho ,waxa ayna noqonayaan Ciidamadii ugu hoereeyay oo Booliis ah kana tirsan AMISOM oo Muqdisho lagu arko.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com









Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM