DAAWO+VIDEO:Shir Jaraa,id Ee Maanta Uu Qabtey Suldaan Siciid Cismaan Cali,Suldaanka Beesha Khaalid
Waxaa saaka shir jaraa,id ku qabtahay magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn suldaan siciid cismaan cali oo ah suldaanka beesha khaalid habarwaa,waxaana suldaanka shirkan jaraa,id uu saaka qabtey ku waheliyay xubno ka mida beeshiisa sida cuqaal ,siyaasiyiin,waxgarad.
Waxaana suldaanku uu shirkiisan jaraa,id ku cadaynayay mabab da,iisa dhabta ee uu qabo waxaana siwayn usoo dhaweeyay dhamaan xubnihii suldaanka ku waheliyay shirkiisan jaraa,id,suldaan siciid cismaan cali ayaa waxaa si cad u sheegay in uu maanta laga bilaabo uu si toosa u taageer sanyahay maamulka khaatumo state of somaliya awalna uu wax ka saxeexay balse ay jirtey tabasho dhinaca siyaasada taasna uu maanta toos uga tanaasulay.
waxaa isaguna ka hadlay goobta uu shir jaraa,idka ku qabtey suldaanka beesha khaalid habarwaa suldaan siciid cismaan cali,agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamulka khaatumo maxamuud shiikh cumar xasan,waxaana uu soo dhaweeyay agaasimuhu go ,aanka uu qaatey suldaankii.
dhinaca kale waxaa isaguna goobtaasi ka hadlay xaaji maxamed cumar gole oo ka mida odayaasha beesha khaalid habarwaa waxaana xaajigu siwayn u soo dhaweeyay go,aanka suldaanka.
beeshan khaalid habarwaa ayaa waxa ay ka mid tahay beelaha sumcad iyo sharaf ku dhexleh beelwaynta dhulbahante waxaanay beeshani ay sitoosa u hoostagtaa maamulka khaatumo state of somaliya
Halkan Riix Si,aad Udaawato Video-ga Hadalada Suldaanka
Maxamed Cali Bile
Buuhoodle/Cayn
Afbakaylenews@gmail.com