afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:54 pm | Posted by moha

Qiso Cajiib Ah:- Lamaanayaal Isjeclaa Oo 50-Sano Ka Kor Kala Tagay Jacayl Dartiina Dib Iskugu Soo Laabtay Dibna Isku Aroosay

Lameena u dhashay dalka Maraykanka ayaa nus qarni kadib dib isku iskugu noqday, kadib markii sida ay sheegeen uu dib u helay jaceyl ruxay qalbiyadooda oo ay ka fadhiyi kari waayeen, sababna u noqday in ay dib markale iskugu guursadaan.

Lamaanahan ayaa sheegay in kontan sanadood ka hor ay kala tageen, laakiin dareen jacayl oo mid walba dhiniciisa u haleelay horseeday in ay mar kale dib u midoobaan, wallow da?doodu waynaatay, oo ay gaadheen shan iyo sideetan jiro, sida ay cadeeyeen.

Jariirada ?The Buffalo? ku warantay lamaanahan oo lagu kala magacaabo Luna Henderson Iyo Ronald Davis ayaa is guursaday wakhti da?doodu aad u yarayd oo ay dhalinyaro ahaayeen, waxaanay isku dhaleen afar carruur ah, hasa yeeshee xaalado soo dhex galay awgeed waxa ay is fureen sanadkii 1964-kii.

 

 

Gabadha ugu yar carruurta lamaanahaas oo lagu magacaabo Renita Chadwick oo xidhiidhka labadeeda waalid ka hadashay ayaa tilmaantay, sida labadeeda waalid u ahaayeen, kuwo mar kasta jacayl iyo is tix galini u dhaxaysay oo iyaga oo aan is qabin, haddana aanu midna waligii u sheegin in ay dhibaato soo dhex martay carruurtiisa.

Gabadhan ayaa si gaar ah uga warantay barbaarintii hooyadeed oo ku soo korisay, jacayl iyo kalgacal ay ugu beertay aabahood, sida ay gabadhaasi sheegtay waligood hooyadood umay sheegin wax xumaan ah oo aabahood sameeyay, had iyo jeerna way u amaani jirtay oo waxa ay ka warami jirtay ayay tidhi inuu yahay qof fiican oo wanaag badan.

Odagay Davis ayaa isaga guursaday xaas kale, waxaanu muddo dheer deganaa degaanka Colorado, hasa yeeshee markii ay ka dhimatay xaaskiisi danbe ayuu isaga oo kaligii ah u guuray magaalada New York halkaas oo uu kaligii ku noolaa guri uu kiraystay.

Xaaskiisi hore ee ay kala tageen kontanka sanadood ka hor Henderson oo ka hadashay sida guurkoodan danbe ku yimi iyo labadooda midka soo jeediyay ee keenada dhigtay ayaa tidhi, Davis waxa uu iga codsaday in aanu dib isugu noqono, si aanu anaga oo lamaane ah mar kale ugu wada noolaano New York, waxa ay ahayd xaalad mid walba gaarkiisa u dareemayay oo dhinbiishii jacaylka ayaa nagu hurtay, markii aanu ka adkaysan kari waynayna waanu is guursanay, inta noloshayada ka hadhsana sidaas ayaanu ku dhamaysan doonaa.? Ayay tidhi Henderson

 

 

Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online

By Maxamed Cali Bile

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM