Shir Jaraa’id Oo Uu Maanta Ku Qabtay Gudaha Magaalada Buuhoodle Suldaan Siciid Cismaan Cali Kagana Hadlay Inuu Mabda Ahaan Taageersan Yahay Maamul Goboleedka Khaatumo State (Sawiro)
Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gudaha Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn Suldaan Siciid Cismaan Cali ayaa waxaa uu kaga hadlay in uu mabda ahaan taageersan yahay Maamul Goboleedka Khaatumo State isla mar ahaan taana ay hore u jireen turxaamo yar yar oo u dhexeeyey Maamulka Khaatumo iyo Suldaanka, isagoona maanta hoosta ka xariiqay Suldaanku inuu si rasmi ka Suldaan uu taageeri doono kana mid ahaan doono Gollaha Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Khaatumo State.
Suldaanka ayaa xusay in bahweynta reer Khaatumo ay yihiin meel qudha, isagoona sheegay inuu si rasmi ah uu u qaaday meesha loo badan yahay ee dhamaanba ay ku midaysan yihiin bulsha weynta reer Khaatumo.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn usoo dhoweeyey kusoo noqoshada Suldaan Siciid Cismaan mandaqii uu hore ugu lahaa Maamul Goboleedka Khaatumo State, isagoona duco aan lasoo koobi karin dusha uga tuuray isla markaasna xusay in Suldaan Siciid uu horeba uga mid ahaa Gollaha Dhaqanka iyo dadka sida weyn loogu xusuusto Maamulka Khaatumo ee iyagu aasaasay.
Hadaba waxaa ugu dambeyntii isna halkaasi ka hadlay Xaaji Maxamed Cumar oo kamid waxgaradka Gobolka Cayn isagoona sheegay in Suldaan Siciid Cismaan uu si rasmi ah uu ugu soo biiray Maamul Goboleedka Khaatumo State horena uga mid ahaa, iyana ay si weyn ugu faraxsan yihiin kusoo noqoshada mandaqadii uu hore uu u lahaa.
Si kastaba ha ahaatee hadalkani kasoo yeedhay Suldaanka ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay Gollaha Dhaqanka ee Maamulka Khaatumo ay soo magacaabeen Barlamaan u matali doona Dowladda Dhexe ee Soomaaliya isla markaasna ay uu qayb ka qaadan doono Suldaan Siciid dhamaystirka hawlaha kale ee dhiman.
By Maxamed Cali Bile
Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online
Buuhoodle Soomaaliya
Daawo Sawiro……..



