DAAWO+SAWIRRO:Banaan Bax Ka Dhan Ah Faroole Iyo Mahiga Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle
Banaan bax balaadhan ayaa ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn, isagoona banaan baxaasi uu ahaa mid lagaga soo horjeeday fara gelinta Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu ku hayo Deeganada Khaatumo State iyo ergiga gaar ka ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan Qamada Midoobe Mr Mahiga.
Dhamaanba dadka weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa iskugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Magaalada Buuhoodle, iyagoona kusoo bandhigay shucuurtooda dareen iyo sida ay uga horjeedaan Labadaasi Mas’uul oo inta badan Umadda Soomaaliyeed ay aad u dhaliilsan yihiin.
Sidoo kale dadweynaha oo wajiyadooda ka muuqato cadho aad u xoogan ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo lidi ku ah Labadaasi Mas’uul, iyagoona jeex jeexay dhamaanba waraaqo ay ku xardhan yihiin Madaxweyne Faroole iyo Mr Mahiga.
Hadaba intii uu socday banaan baxaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid Gollaha Wasiirada Maamulka Khaatumo State, Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo, Maamulka Gobolka Cayn, Waxgarad, Aqoonyahano, Haween, Iyo Dhalinyaro, iyagoona dhamaantood ku qoto dheeraaday faragelinta dadban iyo mida siyaasadeed ee ay wadaan Labadaasi Mas’uul waxa ayna ka dhawaajiyeen in aysan jirin cid iyaga matasha ka Deegaanada Khaatumo ahaan.
Tani iyo Markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu kasoo yeedhay hadal ah in xildhibaanada Maamulka Khaatumo u matalaya Dowladda dhexe uu wax ka magacaabi doono ayaa waxaa inta badan Deegaanada Khaatumo State waxaa ka socday banaan baxyo xoogan oo lagaga soo horjeedo hadalkaasi kasoo yeedhay Faroole waxaana maanta si aada uu banaan bax lagaga soo horjeedo Faroole iyo Mahiga uu ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Wariye Maxamed Cali Bile
Buuhooodle Khaatumo State








