BARAFKII UGU BADNAA OO KA DA’AY MAGAALADDA JOHANNESBURG EE WADANKA KOONFUR AFRICA…(WARBIXIN IYO SAWIRO)
Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Johansburg ee wadankani south africa ayaa waxaa saaka lagu wabaristay baraf isaga kasoo da’aya barafkaasi oo buux dhaafiyaya wadooyinka waawayn ee dhexmara magaaladani johansburg ee gobolka gouteng ,
Soomaalida ku dhaqan xaafadda Mayfare ee magalada Johansburg ayaa ahaa kuwo aad ula yaaban barafkani saaka kadhacayay xaafadooda mayfare iyo guud ahaan magaaladaba iyadoo guud ahaan baabuurta dhexmaraysay magaalada iyo wadooyinkaba uu buuxdhaafiayay baraf cadcad kaasi oo meel walba tuurna.
Mar aan saaka la dhex maray Cameradda Afbakayle Xaafadda somalida ee mayfare ayaa waxay indhahaygu qabanayeeya dadka somaliada ah ee ku dhaqan xaafadani Oo ku ciyaaraya barafka isku tuurtuuraya kuna ciyaaraya halka qaarodna ay la amankaagsanaayeen barafkani hawda kasoo dhacaya oo aanay waligod arag ita ay kusugnaayeen magaaladani.
Iskusoo duuduubo barafkani noociisa ayay taariikhyahanadu sheegeen inay ugu danbaysay wadankani 1980kii xiligaasi oo uu baraf noocanoo kale ahi buuxdhaafiyay guuud ahaan wadooyinka wadankani iyadoo waliba u dhaawac iyo dhimashoba ka gaystay barafkani , Goboladda Freestate , Westerncape iyo waliba Gobolka xeebta ku yaalla Ee Port-elizabeth.
Wariye: Cali Faarax Xasan (Calileeb)
wararka Afbakayle.com
Johannesburg/ South Africa
+27782542451








