afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:33 am | Posted by

Cristiano Ronaldo Oo 30 Million Ugu Yaboohay Caruurta Soomaaliyeed.

Ciyaariyahanka Weyn ee lagu magacaabo Cristiano Ronaldo oo markii ugu deeq lacageed soo gaarsiiyay caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Ronaldo ayaa Carruurta soomaaliyeed ugu yaboohay lacag gaareyso 30 million oo doller, Ronaldo ayaa bogiisa Twitter-ka ku sheegay in uu 30 million oo lacagta Mareykanka ugu deeqa caruurta qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Ronaldo ayaa sheegay in deeqda uu siiyay soomaalida ey keentay xili uu Media-ha caalamka ka daawaday qaabka ey u noolyihiin caruurta soomaaliyeed ka dib neh ey ku dhalatay in uu caawimaad soo gaarsiiyo qaxootiga.

Xidiga weyn ayaa waxaa uu lacagtan faraha badan u soo dhiibay hey’ada caruurta qaabilsan ee lagu magacaabo Save The Children .

Ronaldo ayaa ka mid ah xidigaha ugu caansan ee kubada cagta aduunka asagoo 2008-kii ku guuleystay laacibka kubada cagta aduunka Fifa World Player of the year 2008.

Fanaankii hore ee lagu magacaabi jiray Bob Marly ayaa ku caan baxay caawinta geeska afrika, Ronaldo ayaa taageero weyn ku leh Dalka Soomaliya marka ey maqlaan umada soomaaliyeed caawimada uu u fidiyay xidiga weyn ee CR7 in ey taageero intaa ka sii badan u sii qaadi doonaan.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Cadnaan Saalax

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM