DAAWO+VIDEO:Banaan Bixii Maanta Faroole Iyo Mahiga Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle
Banaan bax balaadhan ayaa ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn, isagoona banaan baxaasi uu ahaa mid lagaga soo horjeeday fara gelinta Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu ku hayo Deeganada Khaatumo State iyo ergiga gaar ka ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan Qamada Midoobe Mr Mahiga.
Dhamaanba dadka weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa iskugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Magaalada Buuhoodle, iyagoona kusoo bandhigay shucuurtooda dareen iyo sida ay uga horjeedaan Labadaasi Mas’uul oo inta badan Umadda Soomaaliyeed ay aad u dhaliilsan yihiin.
Sidoo kale dadweynaha oo wajiyadooda ka muuqato cadho aad u xoogan ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo lidi ku ah Labadaasi Mas’uul, iyagoona jeex jeexay dhamaanba waraaqo ay ku xardhan yihiin Madaxweyne Faroole iyo Mr Mahiga.
Halkan Riix Si,aad Udaawato Video-ga Banaan Baxa
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Buuhoodle/Cayn
Maxamed Cali Bile
Afbakaylenews@gmail.com