odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo sheegay inay barbar taagan yihiin Khaatumo.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa balan qaaday inay is barbartaagi doonaan madaxdhaqameedka Khaatumo State.
Kulamo, iyo afurooyin isdabajooga h oo Madaxdhaqameedka Khaatumo u samanayeen dhigagadooda beelaha Soomaaliyeed, ayaa waxa au horeeyey kii xalay ay la qaateen Odayaasha dhaqanka Qoomiyadda Daarrood Ismaaciil, kaasoo ay ku balan qaadeen hadii la joojin waayo in Faroole soo farogeliyo arimaha Dhulbahante inay guud ahaanba diidi doonaan inay gudbiyaan Xildhibaanada laga doonayo Daarood.
In ka badan 50 odey dhaqameed oo shirkaas ka hadlay ayaa ka digey in la farogeliyo arimaha xildhibaanada oo ay lee yihiin odayaasha dhaqanku, hadii ay sii socotana ay banaanka uga bixi donaan isla markaana ay joojin doonaan gudbinta Xildhibaanada barlamaanka dawaladda cusub.
Caawana waxaa kulan kaas la mid ah lala lee yahay beelaha Hawiye dhaqankooda, ayadoo lagu wado in duubabaka beelaha Hawiye ay sidaas si la mid u ah u taageeraan ayago qaarkood warbaahinta hore uga hadlay, isla markaana qadimay sida ay u taagersan yihiin reer Khaatum ugana soo horjeedaan farogelinta Faroole iyo xulufadiisa.
Madaxdhaqameedka Khaatumo ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn saxiixayaasha, isla markaana aysan jirin cid ku matasha beelaha Khaatumo Saxiixayaasha, laakiin Road mapka ay qayb ka yihiin o ay ku le yihin afar isim oo sadex ka mid ah soojireen yihiin.
Si kastaba ha ahaatee waxa aisa soo taraya shucuubta iyo madaxdhaqameedka sida lixaadka leh u taageeraya Khaatumo , kuwaasoo aad uga xun farogelinta Farole iyo Abdiweli gaas oo la sheegay inuu faroole ku raacay gardarada ka dhan ah Beesha Dhulbahante.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com