War Dag Dag: Farmaajo oo hadda Muqdisho yimid iyo soo dhoweyn qurux badan oo socota
Waxaa Goordhaw Magaalada Muqdisho soo gaaray Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo mudo hal sano ah Dalka ka maqnaa.,
Farmaajo waxa asi weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho taageerayaal aad u fara badan oo uu ku leeyahay Shacabka Soomaaliyeed kuwaa oo ruxayay caleemo qoyan iyo sawiradiisa.
Shacab badan oo qiireesan watana Boorar iyo Fanaanado uu ku sawiran yahay Farmaajo ayaa ayaa lagu arkayay Garoonka Aadan Cadde iyo wadooyinka kale ee Muhiimka ah ee isku xira Gurigiisa iyo garoonka kuwaa oo waji farxadeed ugu soo dhaweeyay Raizul Wasaarihii Shacbiyada Badnaa ee Xukuumadii Tayo.
Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho ayaa laga dareemayay soo dhaweynta Farmaajo iyo sida Dadku ugu diyaargaroobayeen iyadoona Wadooyinka lagu arkayay Gawaari qurux badan oo Codbaahiyaal ku xidhanyihiin iyo Mootayaal ay wataan Dhalinyaro kulabisan Funaando isku mid ah oo lagu sawiray Farmaajo.
Farmaajo waa Hogaamiyaha ugu shacbiyada Badan xiligan Soomaaliya waana nin ay dadku aad u jecelyihiin iyagoona ilaah uga baryay in uu ku guuleestio Doorsahada Madaxweynanimo ee Soomaaliya.
Shacab badan ayaa ku qamaamay Diyaaradii uu saarnaa Farmajao si ay halkaasi ugu salaamaan uguna gacan qaadaan ,iyadoona Farmaajo Ciidamada Amaanka uu ka codsaday in aan isaga iyo Shacabka lakala dhax galin loona dhaafo waxa ay rabaan haku sameeyaan.
Farmaajo oo hadlay markii uu kasoo dagay Garoonka ayaa sheegay in uu yahay Musharax Madaxweyne uuna doonayo hadii la qabto in Shacabka wax badan u qabto.
Dadka qaarkood ayaa Fariimaha Mopelka iskugu diraya sida ay u juecelyihiin in Farmajao guuleesto uguna duceenaya in uu ilaah guuleeyo si uu dalka dhibkii mudo heestay uga baxo una gudbo Nidaam Dowladeed oo Rasmi ah oo Caalamka wax la qeyb san kara.
Raysal wasaare Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho ugu dambeysay dhamaadkii bishii June ee sanadkii 2011-ka xilligaasi oo ahayd markii uu iska casilay xilka Raysal wasaarenimada Soomaaliya.3
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com