War Deg Deg Ah Dibad baxyadii ugu Waa Weynaa oo Nuucooda horey loo arag oo hada kasoconaya Magaalada Muqdisho
Waxaa Goordhaw Magaalada Muqdisho ka bilowday mid kamid ah Banaanbaxyadii ugu balaarnaa nuuciisana horey loo arag oo ka dhaca Muqdisho,kaa ay dhigayaan Taageerayaasha Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya .
Dad aan tiradooda la qiyaasi karin ayaa tuban Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho kuwaa oo Banaanbaxyo ka dhigaya Inta u dhaxeysa Garoonka Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho iyo Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne halkaas ay tuban yihiin dadweyne fara badan.
Dadka ayaana ku dhawaaqayada hadalo ay kusoo dhaweenayaan Farmaajo iyaga oo wata Boorar sawirkiisa ku xardhanyihiin kuna dhawaaqaya ereyo soo dhaweyn ah.
Waxa asidoo kale Dibad baxa ka weyb qaadanaya Gawaari fara badan ,Mootooyin ay dadku saaranyihiin iyagoona ruxaya sawirada Farmaajo ,waxaana dadka lagu soo daad gureenayaa Gawaari aad u waa weyn.
Dibad baxa ugu balaaran ayaa hada kasocda Barxada Sayidka halkaas oo goordhaw la filayo in uu Farmaajo soo gaaro kulana hadlo Shacabka tirada badan ee u muujiyay taageerada Wadaninimo.
Dibad baxyada waxaa ka qeyb galaya Askar katirsan Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya kuwaa oo iyana Rasaas farxadeed cirka u ridaya.
Banaanbaxan ayaa kusoo xasuusinaya kuwii Muqdisho sanad kahor ka dhacay ee lagu taageerayay Raizul Wasaarew Farmaajo in uusan iscasilin xiligaasi oo soo wajaheen Cadaadis kaga timid Madaxda Dowlada iyo Beesha Caalamka.