DHAGAYSO:Wasiirka arimaha gudaha Oo Afka Furtay Sheegayna Dadkii Farmaajo Soodhaweynayey Inay ahayeen Barakacayaal.
Wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay shaqaaqo shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Falkaas ayaa waxaa ku dhintay sedex ruux halka ilaa 5 kalana dhaawacyo ay kasoo gaareen, waxaana warar soo baxay ay sheegayeen in weerarkaas lagu qaaday taageerayaasha Shabaab.
C/Samada Macalin Maxamuud oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in dhibaatadaas ay ka dhalatay dad isugu soo baxay si ay usoo dhaweeyaan mid kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha.
Sidoo kale Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/Samad Macalin Maxamuud ayaa saxaafadda usheegay in ciidamada amaanka ay isku dayeen in ay kala ceyriyaan 20 ruux oo isugu soo baxday wadada sayidka kuwaas oo ubadnaa caruur lagana cabsi qabay in amaan xumo ay ka dhalato.
Waxaa uu sheegay in waxii shalay ka dhacay Muqdisho aysan ahayn mudaharaad laakiin kaliya ay isku soo baxeen tiro yar oo dad ah kuwaasna ay ahaayeen dad ubadan dhalinyaro iyo haween xerooyinka qaxootiga kasoo baxay.
“Waxaa magaalada lageliyay hadalo badan oo ay kamid yihiin in banaanbaxyo ay dhaceen, sidaad ogtihiin waxaas banaanbax ma aysan ahayn 20 qof ama 30 qof oo isku soo baxay ayay ahaayeen’ sidaas waxaa yiri Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka.
Waxaa uu sheegay in Wasaaradiisa ay diyaar utahay sugida amaanka magaaladda Caasimadda ah waxaana uu ka digay dadka qal qalka galinaya amaanka Caasimadda.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili Boqolaal ruux ay shalay isugu soo baxeen Wadooyinka Muqdisho kuwaas oo soo dhaweynayay Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo.
Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka C.Samad Macalin Maxamuud
Xafiiska Shabakada afbkayle.com
Moqdisho/Soomaaliya
Afbakaylenews@gmail.com