afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:22 pm | Posted by

Daawo Cabdi Bile Oo Ku Dhex Ilmeeyay Xafladii Sagootinta Ee Zamzam Iyo Maxamed(Maxaytahay Sababta Ka ilmaysiisay)

Halyeeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi ayaa ku dhax ilimeeyay Xafladii Sagoonta ehed ee Magaalad Landon loogu Sameeyay Ciyaartoydii Soomaaliya uga qeyb gashay Ciyaaraha Olompic-da Aduunka Landon ee 2012 ka ee Zamzam iyo Maxamed.

Cadbi Bile ayaa aad u Ilimeeyay kadib Markii uu Soo Xasuusta y Saamiyo Yuusuf Cumar  oo eheed Gabadhii Soomaaliya Calanka u qaaday  2008 ciyaaraha Olpmpc-da ee ka dhacay dalka Shiinaha in ay ku dhimatay Badda Liibiya,iyadoo Tahriibeyso 01-04-2012 ka.

Sidoo kale Cabdi Bile ayaa sheegay In wilkii Soomaaliya uga qeyb galay  uu isaguna ku Xanuunsanyao Soomaaliya,tasoo ah wax aan loo dulqaadan karin.

Muqaalkaan hadii aad Daawato ,Runtii Dareenkaaga aad buu isku bedelayaa.

Riix Halkaan Si Aad u Daawato.

Milicsi Gaaban:Ciyaatoydii Soomaliya uga qeybgashay Ciyaarah Olompicda 2008 dii .

Saamiya Yuusuf Cumar ayaa orday 200Mt ,waxeeyan noqatay gabdhii ugu dambeysay balse waxeey ku oraday 32 mirir iyo 16 ilbiriqsi ,halka gabdhii ugu horeysayna ay ku oraday 23 mirir  iyo 4 Ilbiriqsi.

Riix Halkaan Si Aaad U Daawato Oradkii Saamiya 2008

Halka wiilka aan ka dhicin ee lagu magacaabo C/Naasir Siciid Ibraahim oo orday  5000Mt .

War Xasuus Ah: Qaabka ay u Dhimatay Saamiya Yuusuf Cumar.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun                                         ——————————————————–

Doonni kuwa Tahriibka ah, oo ay la socdeen 60 Muhaajiriin Soomaali ah, oo 1-dii bishan April 2012 ka shiraacatay Xeebaha Libya, ayaa dib loogu soo celiyay Tripoli, iyadoo ay 7 ka mid ahaa Tahriibayaashiina ay Badda ku soo dhinteen.

Doonnidan oo ay Cilladi ku qabsatay gudaha Badda, ayay Soomaalidii la socotay kala ahaayeen: 17 Dumar ah, laba Caruur ah, inta kalena Wiilal.

Dadkan ayaa Markab Talyaani ahaa oo badbaadiyay, dib ugu soo celiyay Libya, una gacan-geliyay Ciidamada, ka-dib markii ay laba habeen ku jireen Badda.

Tahriibayaashan ayaa u sheegay Madaxda Safaaradda Soomaalida ee Libya: in markii ay Cillad ku timid Doonta, ay u qayla-dhaansadeen Markab u dhowaa, kaas oo Doonta iyo Dadkii saarnaaba dib ugu soo celiyay Libya.

Muhaajiriintaas soo badbaaday ayaa sheegay: in markii ay u wareegayeen Markabka ay 7 ka mid ahaa oo ay 6 dumar ahaayeen, ku hafteen Badda..

Magacyada Marxuumiinta ku halligmay dhacdadan ayaa lagu sheegay,sidan:-

  • (1) Firdawsa Xasan Barre…….ka timid Muqdisho.
  • (2) Kidiso Jiinow Axmed……… ” “
  • (3) Shamso Maxamed Caddaawe ” “
  • (4) Yaasimiin Muxyaddiin Xasan ” “
  • (5) Saamiya Yuusuf Cumar ” “
  • (6) Ifraax Cabdi Karbuuno ” “(Oo Uur lahayd)
  • (7) Ciise Tuuryare Caddaawe yimid “

Markii Muhaajiriintan dib loogu soo celiyay Libya, ayay Madaxda Safaaradda Soomaalidu ka codsatay Ciidamaddii hayay, inay ku soo wareejiyaan Safaaradda, taas oo ay ugu horrayntii ka oggolaadeen.

Ha-yeeshee, markii loo soo daabbulay Safaaradda, ayaa waxaa ka daba yimid Ciidan ka socday Arrimaha gudaha, siiba Laanta socdaalka iyo Ciidamada Amniga, oo lagu soo amray: in ay Muhaajiriintaas u wareejiyaan Xabsiga weyn ee ‘Garyaan’. Kaas oo ay horana ugu jireen tiro ka badan 300 oo Muhaajiriin ah.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM