afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:33 am | Posted by moha

Golaha Wasiirada Dowladda KMG Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Deegaanadii Dhowaan Degmooyinka Laga Dhigay

Golaha Wasiirada KMG ah ee Soomaaliya oo shalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen siyaasada, Arrimaha Amniga, Habraaca tifaftirka Warbaahinta qaranka, iyo degmooyinka cusub ee la magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir gudoominayay kulanka ayaa ugu horeyn waxaa kulanka laga aqriyay warbixin uu soo diyaariyay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, kaasoo ahaa siyaasada iyo habraaca tifaftirka Warbaahinta qarank,a iyadoo waqti xasaasi ah la galay, waxaana Golaha Wasiirka taageereen in Mas’uuliyada warfaafinta ee ku aadan Ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta, waxaana ay isla garteen in warbaahinta ay noqoto mid dhex dhexaad ah inta lagu guda jiro is bedelka siyaasadeed.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa warbixin ka siiyay Golaha Wasiirada dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee ahaa banaan bixii lagu taageerayay Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo, isla markaana shaqaaqo ka dhalatay ay dhimasho iyo dhaawac sababtay.

Golaha Wasiirada ayaa faray Hey’adaha Ammaanka inay ka hortagaan wixii qal qal iyo amni daro keeni kara, inta lagu guda jiro marxalada kala guurka ah, isla markaana baaritaan lagu sameeyo dadka dhibaatada dhacday ka dambeeyay.

Waxaa kaloo Golaha Wasiirada ay ka hadleen degmooyinka cusub ee dhowaan la magacaabay, taasoo ay ku tilmaameen inay wax u dhimi karto dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaaga, waxaana ay soo jeediyeen in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashadooyinka ee deegaanada looga dhigayo degmo buuxda.


Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa waxay isku raaceen in degmooyinka cusub ee aan Golaha wasiirada la horkeenin aysan waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, isla markaana laga soo bilaabo 1-dii July ilaa 31-Agosto ee 2012 wixii degmo la magacaabay ay sharci daro yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmahan soo saaray wareegto is-daba joog ah oo degmooyin ugu aqoonsanayay deegaano ka tirsan Gobolada dalka, iyadoo ay ugu dambeeyeen degmooyin uu aqoonsaday oo ka tirsan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Dhexe.

Hadalkan ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa muujinaya kala aragti duwanaanshaha maalmihii u dambeeyay ka dhex muuqatay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la ogeyn sida mudada kooban ee hartay ay saameyn ugu yeelan karto dhameystirka marxalada kala guurka oo ku eg 20-ka Agosto.

 

 

Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM