afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:40 am | Posted by moha

Madixii Hore Ee Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-da Yuusuf Garaad Oo Kusii Jeeda Magaalada Muqdisho

Madaxii hore Laanta Afsoomaaliga BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa saacadaha soo socda ka soo degi doona, garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho.

Yuusuf ayaa la sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida RBC Radio u sheegeyn, dadka ku howlaan soo dhaweyntiisa oo imminka ku sugan garoonka diyaaradaha.
Yuusuf Garaad, ayaa toddobaadkan, ku dhawaaqay in uu ka tagay BBC-da oo 20-sanno uu ka soo shaqeeyay, waxana uu saxaafadda u sheegay in uu isaga go’aansaday in uu ka tago BBC-da,kuna soo laabto dalka, si uu aqoontiisa iyo khibradiisa uga faa’ideeyo dadka iyo dalka Soomaaliya.
“Waxa aan wax ku bartay canshuurta dalka, marka waa in aan ku laabto Muqdisho, oo aan la qeybsado dadkeyga dhibka ay ku jiraan, maxaa yeelay waxa hadda loo baahan yahaya siddii loo badbaadin lahaa dalka iyo dadka” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Hooyadiis ay ka barakacday Muqdisho, iyadoo hadda qoxooti ku ah dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidaas oo kalena ay jiraan hooyooyin badan oo ka cararay dalka.
Yuusuf Garaad. ayaa 13-sano madax ka ahaan BBC-da gaar ahaan laanta afsoomaaliga, sidoo kale waxa uu warar uga soo diray dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska, oo Repoter ama wakiil uga ahaa.
Yuusuf , waxa uu ka mid ahaa wariyaasha sida weyn loo jecelyahay marka laga hadlaayo warbaahinta Soomaalida, waxa uu ahaa qof aad galaangal ugu leh siyaasadda Soomaaliya.oo inta badan ka hadla ama wax ka qora
.
Waxa ka mid noqonaya musharixiin badan oo qurbo joog ah, oo doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo dhaceysa wixii ka dambeeyay 20-ka bisha August ee sannadkan.
Hadaba Su’aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay Ninka Soomaali warka caddaalad ugu qaybin waayay maamul iyo khayraadka dalka si dhexdhexaad ah ma ugu qaybinayaa.
Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM