Al-shabaab”Waxaan Dilnay Gen.maxamed maxamuud saney oo ah Sarkaal sare Dhimashada Taliya isaga Muxuukayiri
Ururka Xariirka la,leh Al-qaida ee Al-shabaab ayaa waxaa aay sheegeen in aay dileen sargaal sare oo katirsan ciidamada dowlada .
Dagaalyahanada xarakada AL-shabaab ayaa waxaa aay sheegeen in ay dileen sar gaal sare oo ka tirsan saraakiisha hugaamisa ciidanka dowlada KMG kasoo oo aay kudileen qarax galinkii dambe ee shalay aay fuliyeen guutooyinka qraaxyada kana dhacay xaafada suuqa xoolaha ee degmada hiliwaa.
Shiikh Cali Maxamuud Raage {Cali dheere }oo ah afahayeenka guud ee xarakada ayaa waxaa idaacada ku hadasha afka shabaab u sheegay in ay dileen taliyihii guutada 1.aad ee ciidanka milatariga Gen.maxamed maxamuud saney oo isaga gaarigiisa uu shalay haleelay qarax miino xaafada suuqa xoolaha waxaana uu sheegay in qaraxaas ay ku qaarijiyeen taliyaha .
Dhinaca kale Gen. Maxamed maxamuud saney taliyaha guutada kowaaad ee ciidanka milatariga soomalia oo al shabaab ay sheegeen in ay dileen ayaa Warbaahinta waxaa uu u sheegay in warka al shabaab uu yahay mid waxba kama jiraan ah uuna bad qabo isagoo intaas ku daray in xitaa dhaawac uusan soo gaarin hadalka afayeenka al shabaabna uu yahay mid lagu dag dagay oo aan laga fiirsan .
Galinkii dambe ee shala ayay ahayd markii gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah oo marayay xaafada suuqa xoolaha degmada hiliwaa ee g/banaadir lala beegsaday qarax nuuca ramuudka laga hago ah halkaas oo khasaaro ka soo gaaray ciidamadii iyo dad shacab ah .
Xafiiska shabakada afbakayle.com
Moqdhiso/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com