War Deg Deg Ah Kala Carar Caawa ka dhacay Kismaayo iyo Shacabka oo Cabsidii ugu xooganeed soo wajahday
Waxaa Caawa Xaalad cabsi ah iyo dareen lasoo daristay Shacabka kunool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kadib markii Magaaladaasi Caawa lagu garaacay Duqeymo Culus.
Maraakiib kusugan Biyaha Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay Duqeymo culus ka fuliyeen Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo,kadib markii la sheegay in Shabaab madafaiic ku weerareen ,waxa ayna maraakiibtaasi Kismaayo ku dhufteen dhuftay ilaa 6-gantaal sida oo goordhaw noo xaqiijiyay Goob jooge kusugan Magaalada Kismaayo.
Duqeynta ayaana lasoo warinayaa in aysan ka dhalan wax Qasaaro ah oo soo gaaray dadka Shacabka ah balse ay jirana cabsi xoogan oo caawa dadka lasoo darsay xiligii duqeynta dhaceysay iyagoona ilaa xiligan cabsida Magaalada kajirto.
Marka ay Duqeynta bilaabatay ayaa dadku bilaabeen kala carar iyo walaac inkastoo mudo kadib xaalada wax xoogaa kasoo roonaatay diyaaradihii Duqeymaha geesanayay ay Hawada ka baxeen.
Al-Shabaab wali kama aysan hadlin Duqeyntaan Caawa lagu garaacay Kismaayo ,waxa aysan arintana kusoo aadeysa xili xaalada Magaalada Kismaayo wali aysan degneen lagana cabsanayo in duqeymno iyo Weeraro dhoor jiho ah lagu qaado Magaaladaasi Muhiimka h ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Kismaayo/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com