DAAWO+SAWIRRO:Mid ka mid ah Murashaxiinta u Taagan Xilka Madaxnimo Ee Soomaaliya Oo Ku Hanjabay Inay Banaanbaxyo Sameyn Doonaan Hadii aan Doorashada La Samayn Gudi Madaxbanaan
Mid ka mid ah Murashaxiinta u Taagan Xilka Madaxnimo Ee Soomaaliya Oo
Ku Hanjabay Inay Banaanbaxyo Sameyn Doonaan Hadii aan Doorashada La
Samayn Gudi Madaxbanaan
Eng maxamed axmed saalax oo kamid ah Murashaxiinta u taagan doorashada
madaxnimo ee Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay
magaalada Muqdisho ku sheegay in hadii ay sii socdaan qorshayaasha ay
madaxda dowaldda KMG ah ugu sar saraysa ay ku doonayaan inay ku
maamulaan doorashooyinka ay samayn doonaan dibadbaxyo arintaasi kasoo
horjeeda .
Inj. Maxamed Axmed Saalax ayaa intaasi ku daray in madaxda DFKMG ah ee
Soomaaliya ay isku dayayaan inay iyagu maamulaan doorashada
islamarkaana magacowdaan gudi iyaga ka amar qaata taasina ay mid aan
sharciga doorashada waafaqsanayn isagoo daboolka ka qaaday inay ka
digayaan inay arintaasi dhacdo
“Madaxda dowladda waxaan uga digaynaa inay isku dayaan inay ka
faa’iideystaan awooddooda ayna iyagu isku dayaan inay doorashada ka
taliyaan waxaana haboon in la sameeyo guddi doorasho oo ka
madaxbannaan dowlada ” ayuu yiri Inj. maxamed axmed saalax.
Sidoo kale, murashaxu wuxuu madaxda dowladda ku eedeeyay inay
doonayaan inay codadka ku shubtaan, isagoo sheegay in haddii ay taasi
dhacdo ay imaan doonto dhibaato dhabar jab ku ah geedi socodka
nabadeed ee somalia ku jirto .
“Inagu waxaan taageeraynaa in ammaanka la adkeeyo, balse ma ogolaan
karno in doorashada la musuqmaasuqo, waxaan ku talinaynaa in
doorashada loo sinnaado,” ayuu yiri Inj. Saalax oo carabka ku adkeeyey
inay jiraan wel wel laga qabo inaysan dhicin sidii looga baahnaa
doorashada dhow.
Hadalka musharaxan eng .maxamed axmed saalax ayaa kusoo beegmaya xili
ay dowlada KMG ah ee somalia wado dadaalo ay ku doonayso inay maamusho
doorashada dhowaan lagu wado inay ka dhacdo magaalada muqdisho














