afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:17 am | Posted by

Sargaal katirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Goordhaw lagu Dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha

Wararka aan ka heleyno Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in goordhaw Kooxo Hubeesan ay dileen Sargaal sare oo katirsanaa Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud qeybteeda Magaalada Muqdisho.

Ninkan la dilay ayaa Magaciisa lagu Sheegay Maxamed Raage waxa uuna aha kuxigeenka dhinaca amaanka ee Shirkada Hormuud Telecom waxaana lagu dilay agagaarka Salam Somali Bank xili uu doonayay in uu halkaasi lacag geeyo.

Dilka Marxuunka ayaa loo badinayaa in ay ka dambeeyeen kooxo Burcad ah oo doonayay in ay ka dhacaan lacagaha uu waday balse goobta ka cararay markii ay toogteen ilaalo goobta ka dhaweedna ay Rasaas ku fureen Ragaasi.

Marxuunka ayaana soo gaaeray dhaawac culus balse markii dambe geeriyooday intii aan lala gaarin isbitaalka ,iyadooan Shaqaalaha Hurmood falkaan aad uga xumaadeen.

Xalay ayey aheed markii sidaan oo kale Kooxo iyana loo badinayo in ay Burcad ahaayeen ay Xaafad kamid ah Degmada Hodan ku toogteen Nin rayid ah kana baxsadeen goobta ay Dilka ka geesteen.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Yaasiin Maxamed (yaasiin Faytin)

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM