afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:48 pm | Posted by

Deg deg: Garaad Jaamac Garaad Cali oo lagu wareejiyey guud ahaan xildhibaanadii la isku hayey iyo Faroole oo caawa Ku fashilmay

Shir albaabada loo xidhay oo ay wada yeesheen beesha Caalamka xubnaha kaga sugan magaalada Muqdisho ee isha ku haya habsami u socodka odayaasha dhaqanka iyo xubanah gudida khilaafkaa ee odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed oo ka kooban 26 xubnood isla markaana uu madax u yahay Garaad guud ee deeganada Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, ayaa goordhawayd la isku afgartay in gacanta loo geliyo liis ay ku qoran yihiin in ka badan 50 qof oo la sheegay in lagu mursan yahay iyo qaar farogelin darteed hakad ugu jirey.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, gudoomiyaha gudida  Khilaafka Soomaaliyeed ayaa caawa gacanta ku dhigay xalinta dhamaan waxa Soomaali isku hayso, asagoo shabakada Horufadhi u sheegay inuu hawshan u kala saari doono si cadaalad ah, isla markaana uusan ku tacadiyi doonin dhamaan shacabka ka dhursugaya cadaaladiisa.

Garaadka ayaa waxaa dhinacyadiisa fadhiyey xubnaha beesha caalamka ka socda ee markaasi dhuganayey sida ay wax u socdaan, waxayna maanta u sheegeen 27 xubnood ee ay soo dirsadeen lixda siyaasi ee saxiixayaasha isku magacaabay inay hawshan faraha kala baxaan una daayaan Gudida odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Garaadka guud ayaa durbaba bilaabay hawlihiisa shaqo, asagoo ugu horeyn haatan eegya Liiskaga ay lugta ku lee yihiin siyaasiyiintu ee aysan beeluhu isku hayn, kuwaasoo Garaadku dhakhso u gudbin doono, halka liisaska kale ee la sheegay in xubno faroole ka mid yahay soo gudbisteen isla markaana laga booday Odayaal dhaqameedka uu go’aan rasmi ah ka gaadhi doono, asagoo kaashanaya gudida 26ka ah ee uu Gudoominayo garaadka ugu faca weyn beelaha Soomaaliyeed.

Garaad  Jamaac Garaad Cali ayaa ku guulaystay in guud ahaanba la wiiqo awooda 27 ubnood ee markaas isku mahadiyey qabashada magacyada, asagoo guud ahaan caalamka daneeya arimaha Soomaaliya ku qanciyey inay baal mareen shaqadoodii ahayd akhrita Cvyada musharaxiinta ayagoo farogashaday hawlo aysan lahayn, isla markaana la khalday.

Garaad ka iyo gudidiisa ayaa lagu wadaa inay dhawaan soo saaraan warsaxafadeed iyo arimaha ay dhaxgeleen midho dhalintooda, ayadoo lagu wado in waxii beri loo gaadho ay gudbiyaan liisaska xaq darada lagu haystay, sida kuwa beesha Dhulbahante oo u xanibnaa Faroole iyo C/Weli Gaas, oo caawa magacyadoodii yaalaan Miiska Garaad Jaamac Garaad Cali.

Xafiiska Shabakada AFbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “Deg deg: Garaad Jaamac Garaad Cali oo lagu wareejiyey guud ahaan xildhibaanadii la isku hayey iyo Faroole oo caawa Ku fashilmay”

  1. jiijo
    August 15, 2012 - 10:52 am

    ala yaa ku yidhaah soo maali oo idil unoqo garaad, alow yaa kuu dhiiba arintan soomaali xal uweydey,alow dad lama caasiyee yaa garaadka xukun noogu dhiiba alow dumarkiyo cirooluhu, caroortu sadkoodii soo dhici ku yiraahda sharta sheydaan&sharta jini&mida dadka alle hakaa celiyo waayo waxaat tahay mustaqbalka soomaali oo idil aamiin

    Reply
  2. jiijo
    August 15, 2012 - 10:57 am

    waryaahe cadawtoosiyow muuse waa kaa

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM