DAAWO+SAWIRRO:Orodyahanka Mo Farah oo ka hadlay qaabka uu ku gaaray guusha uu ku helay 2 biladood oo dahab ah
Orodyahanka caan baxay ee Mohamed Farah ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in markii hore uu ahaa qof sidii dumarka oo kale u carara markii dambana noqday qof ku guuleysta labo biladood oo dahab ah tartanka Olombikada.
Farah ayaa orodka 5,000 iyo 10,000 ee mitir ee horyaalka Yurub uu ku guuleystay magaalada Barcelona sanadkii 2010ka, balse waxa uu ogaa in uu u weli xilligaas uu u baahnaa in uu horumar sii sameeyo kadib markii uu tartanada dunida uu ka galay kaalinta lixaad iyo toddobaad.
29-jirkaan oo sidoo kale ku guuldareystey in uu u soo gudbo finalkii orodka 5,000 tartankii Olympic ee Beijing 2008 ayaa markaas waxa uu goostay in uu ka tago tababarihiisii hore Alan Storey wuxuuna ka guuray magaalada London isagoo ay weheliyaan xaaskiisa Tania iyo gabadhiisa Rihanna oo markaas shan sano jir ahayd 12 bilood kahor xilligii ay bilaabanayeen Olympic 2012.
Mo ayaa markaas u tegey tababare Alberto Salazar oo ku nool Portland, Oregon dalka Maraykanka. Guuritaankiisana waxa ay sababtay in Farah uu gaaro guul weyn noqdana qofkii toddobaad ee guushaas oo kale gaara abid caalamka.
‘Waxaa la iga weydiin jirey su’aalo badan markii aan u guurayay Maraykanka anigoo haysta labo horyaal oo Yurub ah. “Mo, maxaad isu bedelysaa marka ay arrimuhu ay kuu wanaagsanadeen?”‘ayuu yiri Farah.
‘Balse maskaxdaad waxay ogtahay in isbedel inuu yimad inay tahay sababtoo ah waxaan soo galayay kaalinta lixaad iyo toddobaad, haddii aanan samayn isbedelkaana ma iman lahayn halkan oo lama tartami kari lahayn orodyahanadan xarfaanta ah. ‘Waxay u muuqatay inay ahayd qamaar, inaan gabadhayda iskuulka ka saaro oo aan xaaskayga hore u kaxaysto annagoo aan wax badan ka aqoon halka aan aadeyno – waxay ahayd tababar kaliya kala bar sanadkana dibadahaan ordayay.
‘Waxaan ogaaday in ay ahayd arrin sax ah sababtoo ah waan tabardarnaa. Alberto wuxuu iisheegaay in aan sidii gabdhihii u ordo, taasoo la macno ah inaanan isticmaalin gacmahayga markaan ordayo.markaan daalana meel walba ayaan ku dhici jirey.’
Dadaal dheer kadib Mo Farah waxa uu gaara heerka uu soo gaaray maanta waxaana sida muuqaalada hoose aad ku arkaysaan uu ka mid noqday xiddigaha caalamka soo maray kuwoda ugu waaweyn.
Mo ayaa caado ka dhigtey in uu tilmaamo madaxiisa marka uu dabaaldeg samaynayo waxaa sidoo kale leh caado kale orodyahanka reer Jamaica ee Usain pot oo isaguna labo biladood oo dahab ah ka qaatay tartankii sanadka ee ciyaaraha Olombikada.





