Guurka Oo Yareeya Cuduro Badan oo Halis ah Fariin Culus oo kusocota Iskaabulada Soomaaliyeed(Warbxin Xiiso badan)

Gaadaha habeenkii..kaligaa galgalashiyo..gadgadoonka dhaliso…adika iyo go,aaga hadba dhinac u guuroo…barkinta gabood iyo gaashan ka dhigata.. hadan guud halaaleey hadba gacan la saarayn… ileeyn gogashu wahel ma leh.
Tixxtaasi khiimaha badan waxaa ka tirayay nolosha kalimida, ama iskaabalada Abwaan Maxamed Warasme Hadraawi, ma ahan awaanka oo kaliya nolosha kali nimada ruuxa ka hadlay balse waxaa jira in aay axaabadi hore dadka ku gubaabin jireen guurka.
Daraasad cusub oo dhawaan la shaaciyey ayaa lagu tilmaamay in guurku uu qayb ka yahay deganaanashaha ama xasiloonida nolasha qofla iyadoo lagu xusey daraasada in dadka aan guursan, kuwa is furay ama kuwa kala geeriyooda ay dadka caadiga ah uga dhaw yihiin cudurada dhimirka ama waalida.
Daraasadan oo laga soo saarey wadanka New Zealand isla markaana ay iska kaashadeen qaybta cudurada dhimirka ee hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO iyo Jaamacada Otago ee magaalada Wellington New Zealand ayaa waxaa la soo waday mudo 10 sano ah waxaana xogta daraasada laga ururiyey 3,4493 qof kuwaasi oo u kala dhashay 15 wadan.
.
Kate Scott oo ka tirsan kooxda daraasadan u kuurgashay ayaa daboolka ka qaaday in badiyaa dadka cudurada waalida ay ku dhacaan ay ugu bateen dadka aan guursan, kuwa kala taga ee isfuray, kuwa nolasha guurka ku kala fogaaday iyo dhimashada mid ka mid ah labada qof ee is qabta.
Kate waxay sheegtay in sidoo kale waxyaabaha lagu ogaaday daraasadan ay ugu weyn tahay in guurku uu yareeyo walbahaarka iyo dhibaatooyinka kale ee nafsaaniga ah.
Guurka ayaa waxa uu Faa’iido badan uleeyahay aadanaha iyadoo markii aad aragto raga xaaslayaasha iyo haweenka laqabo ay kagadisanyihiin kuwa iskaabulada dhinacyo badan sida maskaxiyan iyo xaga nolosha iyo quruxda iyadoo ay jirto farqi badan oo u dhaxeeya kuwa iskaabulada ah iyo kuwa guursaday.
Waxaa La Yiri RAG GOGOL XUN IYO WARAABE GOGOL XUN GUGOODA MA GAARAN, taas oo aay Odayadi horay ugu maah maahi jireen raga ku raaga iskaabulo nimada.
Fu,aad karaama
Garoowe/Nugaal
Afbakayle.com
Email Afbakaylenews@gmail.com
Kkkkkkkkk
laa ilaaha ila laah.
War waad naga nixiseen hadanu nahay bahda iskaabulada . Ilaahow iskabulada u gargar
wooww, anigu anoon khamri cabinba maba seexan karo
qaar badanoo la qabaan arkayoo iskaabuladu dhaanto guur walba maaha raaxo waa guurka fiican in badanoo ka shalaynaysana waan arkay oo leh hadaan
kelidayda ahaan lahaa waxaniba iguma dhaceen ilaah ninmaka somaliyeed ha hadeeyo iyo dumarkaba guurkoodana haka yeelo mid waara aamiiin