Saraakiil Katarsan Ururka Allshabaab Oo Isu dhiibay Ciidamada Huwanta ee Ksuga Afmadow
Gobolka Jubbada hoose waxaa ka socda weli dagaalada kharaar ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab kaasi oo ay wadaan ciidamada huwanta ah ee Kenya, iyo Soomaaliya, taasi oo jirta ayaa weli Al-shabaab waxaa ay haystaan deegaano dhowr ah.
Jubbada Hoose waxaa ilaa shalayto ka soo baxayey warar sheegaya in uu isa soo dhiibey sarkaal caan ka ahaa Gobolkaasi oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kaasi oo mar ahaa Gudoomiyaha Afmadow.
Macalin Xuseen oo ahaa Gudoomiyihii degmada Afmadow ee Al-shabaab ayaa baxsadey markii ay ciidamada huwanta ah qabsadeen degmada Afmadow ee gobolkaasi Jubbada Hoose, balse waxaa soo baxey warar sheegaya in uu isu dhiibey ciidanka Dowlada ee Badhaadhe.
Waxaa la socdey sarkaalka labba ka tirsan ilaaladiisa iyo gaarigii uu watey, waxaana ay si rasmi ah isugu dhiibeen ciidamada Dowlada ee ku sugan degmada Badhaadhe ee ka tirsan Gobolkaasi Jubbada Hoose.
Madax u hadashey Dowlada KMG ah ee deegaankaasi waxaa ay sheegeen in uu sarkaalkaani isa soo dhiibey kadib wada hadal badan oo u dhexeeyey iyaga iyo sarkaalka, balse waxaa ay arintaani ku soo beegan tahay xili ay dagaalo kharaar ka socdaan Gobolka oo Al-shabaabna laga saarey meelo dhowr ah.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com