afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:14 am | Posted by

Wararkii ugu danbeeyay: Diyaaradihii Uganda oo bur burkooda lawadahelay

Labo kamid ah diyaaradihii dagaal ee helicopter-ka Uganda ayaa lahelay iyagoo gubtay, labo maalin kadib markii ay kusoo dhaceen deegaanka Keynta leh ee Mt Kenya waxaana sida ay saraakiil Militeri ah sheegeen ay kusii jeedeen gudaha Soomaaliya.

“Diyaaradaha waa la helay laakiin dhamaantood waa ay gubteen,” sidaas waxaa sheegay Afhayeen uhadlay Militeriga Kenya ” kama war hayno xaalada dadkii saarnaa .”ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeen Militeriga Kenya Bogita Ongeri.

Wax faah faahin ah lagama hayo hadii ay bad baadeen 10 ciidamo ah oo saarnaa labadaas diyaarad

Helicopter-kii sedexaad ayaa maalin kahor laga helay Mount Kenya waxaana la bad baadiyay 7 Ciidamo Uganda udhashay oo diyaaarada saarnaa.

Sedexdan diyaaarad oo ay samaysay Russia nooceeduna yahay Mi-24 combat helicopter ayaa kusii jeday Soomaaliya si ay utaageenaa howlgalka kadhanka ah Shabaab ee ka soconaya gudaha Soomaaliya.

Diyaaradii afaraad ayaa si nabad galyo ah uga dagatay Magaaladda Garisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Keynta Mount Kenya ayaa waxaa ku badan xayawaano sida LibxaadWild animals including elephants, leopards and rhinos prowl the forests, waxaana ay qiyaastii 110 kilometres (70 miles) dhanka waqooyi kaga beegan tahay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Waxaa jira warar sheegaya in diyaaradahaas ay doonayeen in duqeyn ka gaystaaan Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM