Xagee salka ku hayaa ismaandhaafka Muqdisho ka taagan ma Madaxdhaqameedkaa Ma Siyaasibaa mise …………….
Laga soo bilaabo shirkii saxiixayaasha kooxda loogu yeedho Roadmap ee u danbeeyey kuna qabsoomay magaaladda Nairobi ee wadanka Kenya waxaa la kala wareejiyey siyaasado doora oo la odhan karo waxay khalkhal geliyeen dadbadan iyo degaano doora.
Qormadan ayaa ku milicsanaynaa qodobkii u horeeyey ee ka soo baxa shirkaas oo ahaa in beesha Dhulbahante xubnahooda baarlamaaka noqon doona loo qaybiyo laba meelood oo mid la siiyo madaxdhaqameedka maamulka Puntland la socdaa ay soo magcaabaan.
Arintaasi waxa ay ka cadhaysiisey kumanaan kun oo beeshaas ka soo jeeda kuwaas oo u arkaayey tacadi iyo edebdaro tii u weynayd, waxana ay ula muuqatey in madaxdhaqameedkii lagu gafey in siyaasigii la Marin habaabiyey in beeldhan cid aan masuul ka ahayn masabkeedkii loo marooriyey.
Maaha inuu Faroole oo madaxwene ka ah Puntland uu keenayo dad ay isku hayb yihiin ee waxaabu keenayaa sida qorshuhu yahay 3 xubnood oo beesha ka soo jeeda hase ahaatee siyaasad ahaan taabacsan rayigiisa oo waxaaba waraka hoosta yaacayaa sheegayaan inay ku jirto mujaahidadii, maskaxdii, caqligii iyo fanaandii qaranka Soomaaliyeed ee mudadda tobanka sano ku sii siqaysa ku dagaalka ugu taagnayd in soomaaliyi mid tahay, waa Saado cali Warsame oo aan xusuusano maalintii gaadhigu la dhacay inay boqolaal qof shook dartii mudo ka maqnaayeen dunidda.
Maaha inaan leeyahay waa sax laakiin waxaan u jeedaa ma runbaa in madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta beeshu ka midaysan yihiin diidmada in Faroole soo xulo sadexda xubnood mise waxaa jira in lagu kala aragti duwan yahay oo la leeyahay waxakalaa huursan.
Ninkii lagu xujeeyey inuu hal xanuunka haya sheego inta dhuunta waxaanu ogayn loo dhigay waxa uu isagoo hiirdeys ah yaabana waxa hasha cumaha u dhaafi waayey ayuu intuu oo madaxa gacmaha saaray kadaloobna isku hubsaday yidhi (Hashu maankayga Gadaye ma Mansaar bay leqday) waxaan uga jeedaa shacabka beeshu waa ku wareereen ee ma waxaan odhan karaa arintu masaartaas kama duwana.
Suaalo aad u badan ayaa miiska saaran oo aan jawaab si fudud loogu heli karin loona baahan yahay in laga fiirsado, waxaana intaas raaca xanshashaq aad u xoog badan oo muqdiisho iyo nairobi ka imaanay kaas oo sheegay waxaan maanka qaadan karin.
Suaasha 1aad ee miiska saaran ayaa ah Maxaa ka jira hadalkii C/kariin uu ka jeediyey idaacaddaha ee sheegayey in la muquuniyey maxaa ka jira? Jawaabo kala duwan ayaa ka soo baxaya oo la sheegayo in hadalkaasi ahaa qayla dhaan siyaasadeed ee dib ha loo raaco wixii ka dhacay aqalka shirku ka socdey.
Waad yaabi kartaa oo aad odhan kartaa miyuu waalan yahay laakiin anuu kuma odhan waa sax hadalkaygani ee waxaan ku leeyahay waa Xanshashaq aan kuu sii wado sababaha loo aanaynayo in C/kariin uu qayladaa rido isagoo xog kale og ayaa lagu sheegay inuu shaki ka galay mansabka siyaasadeed uu ku yeelanayo Mudane Cabdikariin hadii uu inaabtigii ama abtigii oo ay kuwada jiraan madasha ugu saraysa Khaatumo ahna siyaasi aad ruugcadaa ugu ah kuna jirey dhalashadisii ka hor masraxa siyaasada ay liiska xildhibaanadda beel ahaan ku wada jiraan isla markaana la filaayo inuu isu sharaxo xilka gudoomiyaha Baarlamaanka taas oo meesha ka saaraysa gebi ahaanba hadafkii siyaasadeed ee C/kariin lahaa inay ku kalifto in muran galo liiska beesha oo inta laga gaadhayo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka isla markaana xanshashaqu waxa uu intaas ku darayaa in ay jiraan raga ay wada joogeen in ay balan galeen.
Taasi inay shaki tahay waa mid aad naftaada ku qancin karto laakiin hadiiba ay dhacdo jawaabta aad ka bixin lahayd baa ah mid aad loogu baahan yahay inaad sii qorshaysato.
Sidoo waxaa iyana aad u xiisad badan in dib u soo noqday xurgufihii hoose ee u dhexeeyey madaxdhaqameedka ee lagu masaxay berdihii loo bixiyey Berde-khaatumo, waxaana taas sababay marka madaxdhaqameedadii iyagu awooda saxeexa hantay ay soo dhaafi weydey ragii xildhibaanadda noqon lahaa oo ay ku quruxbadnayd in la yidhaahdo ama ay gartaan inay is dhaafiyaab ileen sanad eed reeb ayaa beelo Khaatumo ku balameen,
Arintani waxa ay cabsi xoogleh ku beeraysaa inta horumarka jecel khaatumana aad ugu diirsaday oo ay u muuqanayso dadka sideed ruux hagaajin kari waayey ma waxay hagaajinayaan wax ka sii balaadhan walow aanay haboonayn in madaxdhaqameedka lagu gafaa hadana waa mid aan maanta is leeyahay waxay u baahan tahay in la xusuusiyo.
Waxa kale oo ay isumadu dhaliil ku yeesheen Ugaaskii Aftahanka ahaa Waa Faarax Dheere oo nin aan meelaha haatan la joogo looga maarmin inuu maanta uga soo tegey sinsaaro uusan filanayn oo gayaysiisey inuu ilaawo wixii beesha guud taasna madaxdhaqameedka kale inay dayacaan ugaaska may ahayne balse isaguna inuu dulqaadkuu horey u sheegtay ku dhiirado oo meel ku soo simo ayay ahay ee ma dhicin.
Aan inyar hogabadanta ragii G9 eego oo aan mutuhiyo meesha ay kala istaageen, waxaanse ka hor jeclahay madashii London iyo tii hayaanka loogu soo baxay ee Taleex marna raga haatan ku sii siqaya G11 oo awala G6 hadal ahyntooda lagu maqlay ma jirtaa intaa waa tarmayeen oo madaxdhaqameedkii ayay dhaafayaane meel lagu dhaariyey oo inay daacad ka yihiin waxa ay la yimaadeen oo aan horumarinta beesha waxba uga hoosayn kitaab gacanta ma loo saaray sida ay iyagu u dhaariyeen sadexda dhardhaar iyo wasiiradda ay iyagu magcaabeen ee haatan qaarkood amarqaadashadii baylihiyeen oo inay isku digreeto ku magcawnaayeen ku goodinaya.
Waxaa badanaa soo baxaysey intii aan la qaban shirkii Taleex iyo intii ka danbayseyba hadalo dadka dhaliilwadayaasha ama shaki-beceedka qabaa ay baahinayeen oo ahaa ragbaa danleh ee dadka waa loo durbaan tumayaa jaranjaraana lagu dhaafayaa oo taasi ay haatan ka muuqatay qaar ka mid ah ragii la duraayey hadii ay waayaan masiibadan Odayaasha wareerka ku ridey sidee la yeelayaa, ma dib loo noqonayaa oo inta Taleex la yimaado ayaa la odhandoonaa sida madaxwenaha Puntland ee Faroole waxaanu ka fiirsanaynaa inaanu kalsoonidii kala noqono dawladda Federaalka ah iyadoo aan la xusuusnayn in weli aanu diyaarsanayn dhul aad maamusho oo aad cid ugu goodin karto.
Waxaan ku soo koobayaa anoo aad u amaanaya magaca ay madaxdhaqameedku Soomaali dhexdooda ka soo hooyeen yaan hoos loo noqone madasha shuura ha laga dhigo oo ha laga saaro nintoocsiga ama ha taagnaato (Ninba si is Leh)
Saynab S. Warsame
xidigta6@hotmail.com
Fiiro Gaar ah Qoraalkan ama Maqaalkan Waxaa Uu gaar u yahay Qoraaga Ku Saxeexan shabakada afbakayle masuul kama aha Xumaanteeda iyo Wacnaanteeda qoraaga ayaa intaba leh

