Afar Qof Oo Lagu Afduubay Deegaanka Sool-joogto Ee Gobolka Cayn
Koox wadatay dhawr gaadhi ayaa shalay galab afar qof oo xoolo dhaqato ah ka afduubtay meel u dhaxaysa,deegaanka Sool-Joogto iyo Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay in lala tegay goob hawdka ah oo hadda lagu hayo.
Kooxdan afduubtay afarta qof ayaa la sheegayaa inay dalbadeen siindeynta nin la yidhaahdo Jaamac Kuutiye oo ah nin u xidhan maamulka Somaliland, kaas oo muddo dheer ku xidhnaa xabsiga.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle ayaa ku mashquulsan soo daynta afarta qof ee la qafaashay, iyadoo waan waanteediina ilaa hadda lagu jiro.
Afartan qof ee la afduubtay ayaa la kala yidhaahadaa Xuseen Axmed Carab, Khadar Xuseen Caydiid, Maxamed Axmed Caydiid iyo Saleebaan Aadan oo kasoo jeeda bariga Burco,kuwaas oo geel kula joogay deegaankaas laga afduubay.
Si kastaba ha ahaate, dhacdadan ayaa ah mid ku cusub deegaankaas oo mudoo dagaalo ku dhexmarayeen shacbka iyo maleeshiyada Somaliland oo fadhiisimo ka samaystay, kuwasoo ay maalmo ka hor ka baxeen.
Fu,aad Karaama
Laascaanood
Afbakaylenews@gmail.com
Raggan halla guneeyo hana laga warhayo