Daawo Sawirada Sadaxdii Diyaaradood ee Loogu Talagalay in ay Duqeeyaan Magaalada Kismaayo oo Iskood isaga Dhacay Howdka Dalka Kenya
Saddax Diyaarad oo kasoo Duulay Dalka Uganda si ay u xoojiyaan Ciidamada Amiso eek u Sugan Dalka Soomaaliya Ayaa ku Bur Buray Howdka Dalka Kenya Iyadoo la sheegay In loogu Talagalay in ay ka Qeyb qaataan Howlgalka la Qorsheeyay In lagu Qabto Magaalada Kismaayo oo ay hadda Maamulaan Xoogaga Al Shabaab .
Askartii lasocotay Diyaaradda Ayaa Qaarkood Ayagoo Mayd ah la helay Halka Qaar kalana Aan wali Laga War hayn Halka ay jaan iyo Cirib Dhigen Iyadoo Muuqaalada hadda soo baxaya Ay Muujinayaan in in Ay Bur Burtay Sadaxdaa Diyaaradood oo aan la garanayn Sababaha ay la Bur Birtay .
Diyaaradahaan Sadaxda ah ayaa waxay kasoo Kicitimayn Magaalada Kambaala ee Xarunta Dalka Uganda Kuwaasi oo ku Sii Jiiday Xauduuda Dalka Kenya iyo Soomaaliya Si ay Qeeb ugu noqdaan Dagaalada Lagula Jiro Xoogaga Al Shabaab oo Ku Harsan Magaalo Xeebeedka Dalka Soomaaliya ee Kismaayo .






