afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:08 pm | Posted by

Daawo+Sawirro:Madaxweyne shariif oo Sheegay in Xukumada aysan Kasoo horjeesan Karin Go,aanadiisa

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Dalka dib ugu soo laaabtay wuxuuna  ka warbixiyay safaro uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa iyo sidoo kale shirar uu ka soo qeybgalay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in gabi ahaanba shirarkii uu kasoo qeebqaatay ay kusoo dhamaadeen guul la taaban karo islamarkaana Dalka Sacuudiga uu kaga soo qeybgalay.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa,id ee uu maanta kuqabtay Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaga hadlay ineysan xukumadda Soomaaliya go,aanada uu gaaro iyo degreetooyinka eysan kasoo horjeesan Karin.
Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in wareegtooyinka iyo go,aanada uu gaaro Xukuumadda Soomaaliya aysan ka soo horjeesan karin isaga oo taasi ku sababeeyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaaas uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la weeydiiyay su,aalo ku aadan dilalka loo geesto wariyeyaasha sababta dowladda ay wax uga qaban weyday isaga waxaana uu ku jawaabay inay socdaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysa dilalkaasi.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii dambe wuxuu soo saarayay degreetooyin ku aadan inuu deegaano ku yaalo Gobalada dalka Soomaaliya ka dhigay Degmooyin taasi qaar kamid ah Golaha wasiirada iyo Ra,isal wasaaraha Soomaaliya ey si,aad ah uga so horjeesteen.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM