Daawo+Video:Sida Magaalada Buuhoodle Looga diyar Garowaya Malinta Ciida Barakaysan Ee Cidul Fidra
Waxaa guud ahaanba Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn maalmihii u dambeeyey laga dareemayaa diyaar garow balaadhan oo la xidhiidha munaasibada ciidul fidriga, waxaana inta badan aad u mashquulsan goobaha ganacsi ee ku yaala suuqyada kala duwan ee Magaalada Buuhoodle.
Hadaba mar aanu booqanay suuqa weyn ee Magaalada buuhoodle ayaa waxaanu kula kulanay ganacsatada ka ganacsata suuqaasi, iyagoona sheegay in ay xiligan uu yahay suuqu mid aad mashquul badan isla markaasna si aada wax looga iibsado.
Sidoo kale dadweynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ayaa iyana si aada usoo dhoweeyey u diyaar garowga munaasibada ciidul fidriga ee fooda inagu soo haysa.
Halkan Riix Si,aad Udaawato Video-ga
Maxamed Cali Bile
Buuhoodle/Cayn
Afbakaylenews@gmail.com