DHAGAYSO:Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Oo Kawarbixiyay Dhulkii Maleshiyada SNM kabaxeen
Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha maamulka Khaatumo State” Maxamuud Sheekh Cumar” oo maanta ka warbixiyey dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen ka maamulka ahaan intii ay dib u guureen ciidamadii sida xaqdarada ah ugu sugnaa deegaanada hoostaga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Sidoo kalena baaq u direy International Communite, Kadib markii ay soo arkeen habka fool xumada ah ee loo bililiqeystey deegaanadii ay ciidamada Somaliland mudo badan kaga fadhiyeen magaalada Buuhoodle, Isla markaana ku tilmaamey wax laga xishoodo kana baxsan Xuquuqul Insaanka in qof Islaama meydkiisa la dugsado oo aan la aasin, Kadib markii laga helay meelo ay ciidamada Somaliland fadhiyi jireen meydad qol fofkood oo ay markaasi yagu gacantooda ku dileen, Meydadkan oo ahaa dadkii yagu u dhashay deegaanada ay sida xaqdarada ah ugu sugnaayeen dadkan oo ahaa Xoolo Dhaqato isla markaana si xooga ay kaga qabsadeen dhulkoodii isla markaana sidan foosha xun loola dhaqmey in meydkooda ay xataa aasi waayaan.
Subxanallah, waa wax laga argagaxo