afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:06 am | Posted by

War Deg Deg Ah Gantaalo Culus oo Daqiiqado kahor lagu Garaacay Magaalada Kismaayo iyo Xaalada oo hada Kacsan

Wararka aan goordhaw ka helnay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in daqiiqado yar kahor Gantaalo culus lagu Garaacay Magaaladaasi.

Gantaaladan Magaalada lagu garaacay Daqiiqado yar kahor ayaa la sheegay in ay ahaayeen ilaa Labo gantaal oo Shacabka Kismayao rumeesan yihiin in laga soo tuuray dhinaca Badda halkaas ay kusugan yihiin Maraaaiib Daagaal.

Gantaalka koowaad ayaa ku dhacay afafaka hore ee Magaalada gaar ahaan halka ay kutaal Jaamacada Magaalada Kismaayo waxaana ka dhashay Qasaare dad rayid ah aan sida au badneed, sidoo kale waxa gantaalkaasi qasaaro xoogan uu gaarsiiyay xoolo badan oo halkaasi kusugnaa oo qaarkood la sheegay in ay ku dhamaadeen.

Gantaalka labaad ayaa ku dhacay wado aada Dhinaca Airporka Magaalada Kismaayo waxaana lagu waramayaa in gantaalkaasi uusan geesan wax qasaaro ah uuna ku dhacay meel Bucaad ah.

Xaalada Magaalada ayaa hada kacsan dadka kunool ayaana dareemaya cabsi xoogan iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale gantaalo magaalada lagu soo weeraro.

Dhawaan ayey aheyd markii Maraakiib taganeed Xeebta Kismaayo gantaalo culus ku garaaceen Magaalada Kismaayo taa oo sababtay in ay ku dhintaan Dhoor qof oo Rayid ah caruurna u badnaa.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM