afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:22 pm | Posted by

Daawo Sawirada kulan looga hadlayay Tacadiyada Saxafiyiinta oo Muqdisho ka dhacay

Kulnakaan oo ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Warbaahinada kahowlgala Magaalada Muqdisho iyo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ugu horeyn waxaa halkaasi kahadlay Xoghaya guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Bakistaan.

Maxamed Ibraahin Bakistaan Xoghaya guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in Suxufiinta iyo bahda Warbaahintaba ay u shaqeeyaan Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Bakistaan wuxuu sheegay in mudooyinkanba Suxufiyiinta ay la kulmayeen Dilal iyo dhibaatooyin kale oo ka dhan ah Suxufiyiinta si looga hor istaago howsha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu sheegay .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah Agaasimayaasha Warbaahinya ka howlgala muqdisho waxaayna fikirro ka dhibteen kulanka maanta iyagoo sheegay in aaney joojin doonin howsha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed ayna sii wadayaan .

Dhanka kale waxaa ay ku baaqeen in baaritaano lagu sameeyay Dilalka loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed Dadka ku lugta leh si Sharciga loo horkeeno .

Sanadkan kaliya soomaaliya waxaa lagu dilay in kabada 9 wariye oo kahowlgalayay Warbaahinda kala duwan ee Dalka.

Daawo Sawirada


.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM