Daawo+Sawiro:120 arday oo ka qalinjebisay machad lagu barto islaamka Ee magaalada Kalabaydh Ee Gobolka Sool
Munaasibad Abaalmarino lagu gudoonsiinayey ardayda wax ka barata machadka Ibnu cabaas oo ku yaala magaaladda Kalabaydh oo magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool 30km dhinaca galbeedka kaga aadan ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada ayaa waxa halkaasi lagu soo bandhigay aqoonta ardayda iyadoo ay ku muujinayeen aqoonta diineed ee ay barteen.
Maamula Macadka Ibnu Cabaas Sheekh C/raxmaan Maxamed Aadan oo sheegay in macahadkani uu u dhigmo aqoon ahaan dugsi dhexe, lana dhigto waqtiyo kala duwan isagoo muujinaya inay baahida haatan taagan tahay in la balaadhiyo iyadoo Subaxii laga bilaabo ilaa Habeenkii wax lagu barto.
Ugu danbayntii waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyey ardaydii mutaysatay abaalmarinaha iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysey ee machadkani uu qabto abaalmarinahan oo kale balse waa mid sanad kasta waqtigan oo kale la soo bandhigo si loogu dhiiri geliyo ardayda
Halkan Riix Si,aad Udhagaysato Qudbadihii laga jediyay Munasi
Fu,aad Karaama
Laascaanood
Afbakaylenews@gmail.com


maansha,alh alle haw siyaadiyo cilmigooda ajar iyo xasanaadna haka siiyo dhamaan ardaydeenan qaaliga ah. inta ka dhimana haw fududeeyo waa waa jib in cilmiga diiniga labarto halagu dadaalo dhamaan macalimiintana illaahay haka abaal mariyo waan idin salaamayaa reer kalabydh dhamaantiin gar ahan shiikh abdirahman maxamed adan iyo macaliminta kaleba
maasha’allaah guulaysta gacalayaal