afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:18 pm | Posted by

Daawo+Sawirro:Ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka Khaatumo State, Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Ciidamada Maamulka Khaatumo State Ee Magaalada Buuhoodle

Ururka Daryeel Dadka iyo Dalka Khaatumo State oo deeq lacageed soo gaadhsiiyey ciidamada maamulka khaatumo state, Deeqdan oo ay usoo wakiisheen ururka Hooyoyinka Gobolka Cayn oo ay gudoomiye ka tahay Khadra Xassan Maxamuud.
Deeqdan ayaa guud ahaanba ahayd soo gaadhey ururka Hooyoyinka Gobolka Cayn 1500$ yadoo lacagtana isla maantaba lagu bedelay xoolaha nool 3Geel ah, Isla markaana loogu tala galey deeqan xoolaha nool in loo qalo ciidamada maamulka Khaatumo State.
Deeqdan oo markii danbe loo badelay xoolo nool 3Geela ayaa lagula kala wareegay beerta ku taala qudhaca magaalada buuhoodle” Beerta Timajilic”.
Yadoo ay madashan kasoo qeyb galeen maddaxda maamulka Khaatumo State badhasaabka gobolka Cayn C/raxmaan Maxamuud Axmed” isla mar ahaantaana uu qacanta kula wareegay badhasaabka gobolka cayn, Sidoo kale waxaa madashaas ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka Khaatumo deeqdan kusoo gaadhsiinayay ciidamada maamulka Khaatumo State goobjoog ka ahaa masuul sare” Maxamed Yuusuf Jaamac Halac oo ah isla markaas Aaabaha maddaxweynaha Maamulka Khaatumo State Of Somalia.
Hadaba waxaa madaashaas markii ugu horeysayba ka hadashay hooyo Khadra Xasan Maxamuud oo ah gudoomiyaha ururka Hooyoyinka oo loosoo wakiishey deeqdan oo gaadheysey sidaan horeyba idiinku sheegney 1500$ isla markaana goobta ka sheegtey una mahadcelisey gudoomiyaha ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka Khaatumo”Cabdiraxmaan Cawil Ladane”.
Waxaa sidoo kale madashaasi ka hadashay Caasha Warsame Dirir iyo Aaabe Yuusuf Yaamac Halac, Sidoo kale waxaa madasha ka hadley dilaaliinta yagu xoolaha ka iibiyey Ururkan deeqda soo direy ee Daryeel Dadka Iyo Dalka oo uu gudoomiye ka yahay C/raxmaan Cawil Ladane oo deeqdan soo gudbiyey yadoo ay dilaaliintuna ku dheeraadeen qiimaha 3dan Geela iyo Sixirka ay maanta joogaan.








 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM