DAAWO+VIDEO:Maamulka Khaatumo Oo Ka Hadlay Xaalada Deegaanadii Ay Ka Baxeen Ciidamada Somaliland Iyo Dad Rayid Ah Oo Lagu Afduubtay Deegaanka Sool Joogto
Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo State Of Somalia oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Buuhoodle ayaa ka hadlay xaalada Deegaanadii dhawaan ay ka baxeen Ciidamada Maamulka Somaliland. Sidoo kale mas’uulintani oo kala ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa xusay in ay ka xun yihiin dad rayid ah oo kasoo jeeda bariga Magaalada Burco oo laga soo afduubtay Deegaanka Sool Joogto, iyagoona sheegay in arintaa ay wax ka qabanayaan dadaalna ay ugu jiraan.
Halkan Riix Si,aad UDaawato Video-ga Wasiirka khaatumo
Maxamed Cali Bile
Buuhoodle Cayn
Afbakaylenews@gmail.com