afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:36 am | Posted by

Miino baabiisay Booyad biyood galbeedka magaaladda Laascaanood

Qarax la dhigay wado dhineceed ayaa haleelay saaka waaberigii gaadhi kuwa biyaha dhaamiya ah galbeedka magaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Qaraxan oo ahaa mid aad u weyn daryaankiisana laga maqlayey magaaladda dacaladeeda ayaa baabiiyey qaybta danbe ee gaadhiga booyadda ah oo ka yimi goob biyaha looga soo dhaamiyo magaaladda Laascaanood inkasta oo aan dhaawac muuqdaa soo gaadhin laba nin oo gaadhigaasi watey sida uu sheegay Cabdi Khaliif oo ka mid ah wadayaasha biyaha dhaamiya oo sheegay inuu goobtaasi tegey waxyar ka dib qaraxa.

Ciidanka Booliska ayaa ku wareegsan goobtii qaraxu ka dhacay iyagoo baadhaya inay jiraan walxa kale oo goobtaasi ku hadhay.

Wadadan oo ah waddo aad loo maro ahna wadda keliya ee dhinaca galbeed uga baxda magaaladda Laascaanood ayaan la sheegi karin cida loola dan lahaa qaraxaas inkasta oo laga yaabo in loogu sii diyaariyey kooxo masuuliyiin ah oo maalmihii la soo dhaafay shirar ka qabanqaabinaayey magaaladda kalabaydh oo 30km galbeed kaga aadan magaaladda Laascaanood.
Maaha markii ugu horeysey ee gaadiid rayid ah ay waxyaaba qarxa haleelaan iyadoo 17 bishii may sanadkii aynu soo dhaafnay gaadhi booyad ah uu qarax kanookale ahi badhtamaha magaalada kula kacay kaas oo aan sababin dhimasho.

Fu,aad Karaama

Laascaanood

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM