Faah Faahin Dheeraad ah oo laga helay Dagaal Lagu Halaagsamay oo ka dhacay Tuulada Faafaxdhuun ee magaalada Baar-Dheere
Tuulada Faafaxdhuun oo dhinaca galbeed kaga beegan 80km magaalada Baar-Dheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa shalay galab ilaa xalay ka dhacay dagaal xoog leh oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda, kuwa Kenya oo dhinac ay iyo kuwa Maliishiyada Al-Shabaab oo weerarka kusoo qaaday fariimo ciidamadaasi ku sugnaayeen.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo aad u ballaaran iyadoo wararku sheegayaan in tirada dhimashadu ay kor u dhaaftay 40 qof oo ah dhinacyadii dagaallamayay.
Sarkaal u hadlayay al-Shabaab ayaa sheegay inay iyagu weerarka qaadeen isla markaana ay halkaas ku dileen 60 askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah. waxay kaloo sheegeen inay gubeen gawaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamadu.
“Mujaahidiinta waxaa uga shahiiday 17-dagaalyahan, in ka badan 10- waa uga dhaawacantay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.
Warfaa Sh. Aadan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee ka qeyb qaatay dagaalkaasi ayaa sheegay in dhinacooda Afar qof uu kaga dhintay dagaalkaasi, sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in dagaalkaasi Labo askari oo Kenyan ah ay ku dhinteen.