War Dagdag ah Gudbintii Xildhibaanada Khaatumo oo hada loo fadhiyo iyo saacado ka dib la gudbin doono.
Waxaa daqiiqado ka hor biloway shir albaabada loo xidhay oo ay ka qaybgalayaan odayaasha Khilaafkaa u qaabilsan Golaha dhaqanka Soomaaliyeed. Kaasoo looga arinsanayo in lagu gudbiyo Xildhibaanada beelaha Mareexaan iyo DHulbahante, ayagoo hada lagu wado in la soo afjaro.
Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ah afartii odey ee beesha Dhulbahante wax u gudbinayey kuwaasoo kala ah Garaadka guud Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaacii iyo Ugaas Abdullaahi Ciise Nuur.
Dhamaan odayaasha dhaqanka ee ku jira gudida ayaa hubinaya in ay isku Khilaafsan yihiin dhulbahante xubnaha waana arintaas tan logu yeedhay afartii odey ee gudbinta magacyada xaqa u lahaa.
Ilo wareedyo ku dhowdhow odayaasha khilaafaadka gaar ahana gudoomiye ku xigeenka gudida ayaa shabakada Horufadhi u sheegay in lagu wado in maanta ama saacado yar dabadood la gudbiyo magacyada beesha Dhulbahante ugu jira Barlamaanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa arintan hataan si weyn daba uga riixaya Ergayga Q,M u qaabilsan Soomaaliya Mahiga kaasoo hada garoowsaday in daahitaanka ku yimid Xildhibaanada ay sababteeda lahaayeen gudida uu magacoowday ee 27 xubnood ah, kuwaasoo u adeegaya Abdiweli Gaas iyo Faroole oo dhibaato weyn u gyastay habsami u socodkii xulista xildhibaanada. Wuxuuna Mahiga hataan garoowsaday in Qaswadayaasha Abdiweli Gaas iyo Faroole ay yihiin kuwa ku taagan habsami u socodka xulista Barlamaanka, waana taas tan keentay in hawha loo gacan geliyo odayaasha gudidooda qaabilsan Khilaafaadka.
Waxii Kasoo baxa warar kayaga dambe ayaan kulasocon doontaa hadi alle idmo
Afbakaylenews@gmail.com
Asc alow dhowr garadad beesha iyo cuqasha wax garadka ah mansha alahaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa
Waa ta darawishii is racdaya dabaqodhigana la tuurayaya hahaha habara dhaliwaydaya aleelo ku walataya
illaahayoow af garad ayaan ku waydiisanay iyo cadawgayaga ood jabiso . kuwa la dooran doonana kuwo na anfaca nooga dhig oo dadkooda iyo dalkooda wax u qaban doona amin amin amin yaa allaaha