DHAGAYSO: odayasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Kuwa Khaatumo oo si wada jir ah u dhaleeceeyey Gudida farsamada ee ka leexday waajibaadkoodii
Kadib markii xalay la shaaciyey liiska magacyada Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka cusub ayaa waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray qaar kamid ah Odayaasha dhanka.
Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ku shiraaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha soo xulista Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa guddiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed waxa ay dhaliileen qaabka dib loogu soo celiyay xubno kamid ah Baarlamaanka oo ay dhawaan guddiga farsamada shaaciyeen in aysan kamid noqoneyn Baarlamaanka cusub.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka oo ugu horeyn saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay in aysan aqbaleyn in shaqsi ay keensadaan Odayaasha dhaqanka meesha laga saaro isla markaana lagu bedelo shaqsi ay keensadeen masuuliyiinta Dowladda sida uu hadalka u dhigay.
Ugaas C/laahi Ugaas Xaanshi Faracade oo ah Guddoomiye ku xigeenka guddiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka ayaa isna wuxuu sheegay in ay jiraan dad Odayaasha ay soo xuleen, balse meesha laga saaray.
Wuxuu tilmaamay in aysan u dulqadaan doonin arrinta ku aadan so celinta xubnaha Baarlamaanka ee ay guddigu sheegeen in ay buuxin waayeen shuruudahii looga baahnaa.
Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xulistooda waxaa ka taagan muran xoogan, waxaana xalay si hordhac ah loo shaaciyay xubno gaaraya ilaa 202 Xildhibaan, tirada guud oo ah 275-mudane iminka waxaa ka harsan 73-Xildhibaan.
Asc tasi waa run waa in looo hogaan somo odayaasha dhaqanka somaliyeeed