afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:07 am | Posted by

Kulan adag oo haatan usocda Mahiga iyo Gudiga Farsamada kala saarida Xildhibaanada Cusub

Waxaa haatan ka soconaya xarunta madaxtooyadda kulan aad udag oo udhaxeeya Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga iyo Gudiga Farsamada ee soo xulitaanka Xildhibaanada cusub.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG uu ka qeyb yahay kulankan.

Dad la rumaysan karo waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo qaabkii loo soo xulay xildhibaanada Cusub ee liiskooda lasoo gudbiyay.

Sidoo kale Waxaa jira warar sheegaya in kulanka looga hadlayo sababtii ka danbaysay in lasoo gudbiyo xubnahan cusub iyadoo aan lasoo marsiin Xafiiska QM ama nuqulo aan loo soo dirin Madaxda dowlada.

Ergayga QM Mahiga ayaa la sheegay in uu aad uga carooday in liiska Xildhibaanada lasoo gudbiyay uu warbaahinta ka ogaado.

Sidoo kale Arimaha looga hadlayo waxa kamid ah in la jabiyay sharci kamid ahaa sharciyada kaas oo dhigayay in gudiga uusan wax shaqo ah kulahayn xildhibaanada lasoo gudbinayo nooca ay yihiin hase ahaatee loo baahan yahay oo kaliya in ay aqoontooda eegaan.

Xog hoose oo aan kulanka ka helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG uu diidan yahay dhamaan xubnaha la magacaabay, Ergayga QM ee Soomaali-na uu isku dayayo in xal loo helo dhamaan xubanaha lasoo gudbiyay.

Siyaasada ayaa aad usii cakirantay kadib markii Laga waayay Liiska Barlamaanka rag magac ku leh Buslahada dhexdeeda, waxaana kanid ah madaxweynaha isla xiligan talada haya ee Sh Shariif Sh Axmed

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Kulan adag oo haatan usocda Mahiga iyo Gudiga Farsamada kala saarida Xildhibaanada Cusub”

  1. HAGAR BUUHOODLE.COM
    August 18, 2012 - 10:36 pm

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK PINTILAND WAAGABDHO WAXAY UFICILTAMAAN SIDA NAAGAHA WAXAAS IYAGAASOOGUDBIYAY OODANKALEH INDADKU QAS GALAAN WALEE WEYNA IDIINSOCON

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM