Saawo+Sawiro Mucjiso ah Nin Maxbuus ah oo ku jira Xabsi mudo 15-Sano ah Xaaskiisaana aan il Saarin oo Wiil loo Dhalay
Aabbo u dhashay dalka Falastiin oo Israel ku xukuntay 32 sannadood oo xabsi, ayaa aabbo noqday isagoo xabsigaas ku jira, kadib markii shahwadiisa inta laga sooqaaday lagu beeray xaaskiisa.
Wiilka yar ee dhashay oo loo bixiyey Muhannad ayaa ku dhashay cusbitaalka la yidhaa Nublus,hooyada dhashay oo magaceeda la yidha Dallal Ziben, da’deeduna 32 jir tagay ninkan u haysa laba carruur ah oo hore.
Mr.Ammar oo aabbo noqday isagoo xabsiga ku jira, ayaa la soo qaaday biyaha shahwadiisa si loogu shubo, looguna beero xaaskiisa oo dibada joogta ,iyadoo dhakhtaatiirtii hawshan ku jirtay u guulaysteen arrintaas.
Dallal Ziben indhaheeda may saarin saygeeda muddo 15 sannadood ah, waxaanay tilmaantayin uurkan si ardafiishala loogu abuuray, iyadoo biyaha ninkeeda laga soo qaaday isagoo ku jira xabsiga la yidha Xadarim oo ku yaala badhtamaha Israel, lagunashubay makaankeeda.
“Ilaahayba mahad leh, kaasoo muddada dheer na barakaynaayey, kadib markii ninkaygu muddada dheer ku qaatay xabsiga.
Aniga,saygayga, labadayda hablood iyo qoyska oo dhamiba, waxaannu sugaynay arrintamuddo dheer,” ayey tidhi Dallal.
Dallal markii ninkeeda lagu qabtay ururka Xamaas isagoo u dagaalamaya waxay u haysay gabadh 18 jir ah oo la yidha Basha’er, waxa kaloo ay lahayd uur shan bilood ahoo ah inanteeda Bissan, waxaanay tidhi.
“Waxaa aad ugu faraxsanahay, inay tahay tani farxadii ugu horraysay ee gurigayaga lagaarko muddo 15 sannadood ah.
Markii hooyaday ii sheegaytay inay doonayso in lagu bacrimiyo ilmo, maannu aaminsanayn arrintaas, waxaannu doonayna walaal wiil ah,riyadayadiina way noo rumowday,” ayey tidhi Basha’er oo aad udhoola-caddaynaysay waqtigaas.
Habka shahawada labadan lamaane la isugu geeyey waxay dhakhaatiirtu sheegeen inay tahaysir oo qoyskuna diideen in la shaaciyo, wax macluumaad intaa dheerna lagabixiyo.
Afhayeen u hadlay xabsiga ninkan ku xidhan yahay ee Israel, ayaa sheegtay inaanay kawarqabin, maadaama xabsigaas ay mabnuuc ka tahay in dadka is qaba isku booqdaan amma ku kulmaan, waxaanay intaa ku dartay inay kormeer ku sameeyaan ciidamadailaada maxaabiisto qof kasta oo la soo booqdo, lagana ilaaliyo in ay arrimojinsi sameeyaan.
Dr.Saalem Abu Al-kheizaran oo ah maxada cusbitaalka bacriminta ee magaalada Nablus, kaasoo hawshan fulieyy, ayaa sheegay in lamaanaha la isu geeyo biyahooda, laguna dhex beero gabadha, waxaannu ydihi;
“Waxaannu helnay shahwadka timi sayga oo la iska hubiyey, waxaan ay lamaanahan doonaayeen wiil, sidaa darted nidaam baannu marnay, saddex jeerna habkan waannu isku daynay, labadii uhorreeyey waannu ku guuldarraysanay, tanaanuse ku guulaysanay.”
Dr.Abu Al-Lheizaran waxa uu intaa ku daray in xaqa waalidnimadu tahay midcaalamiya oo ku jirta xuquuqaha la sugay, isagoo soo jeediyey in aanmaxaabiista laga hor istaagin inay ubad dhalaan.



|
|