War DEG DEG: Diyaarado Dagaal oo Goordhaw Duqeeyay Baardheere
War goor dhaw ina soogaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gado in diyaarado dagaal ey halkaasi duqeen kageesatay
Waxaa la sheegay in duqeentaan ey kadhacday Tarako,Juungal iyo Dhego laab oo dhamantod kamid ah degaanada hoostaga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Sidoo kale warka aan halkaasi kaheleeno ayaa waxa ey sheegayaan in dhamaan degaanada laduqeeyay ey ku sugnaayeen ciidamo katirsan Ururka Al-Shabaab iyadoona saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Fax-faxdhuun ey sheegeen in ey jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeemahaani.
Aadan Axmed Xersi Rufle oo isna ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Gedo oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeentaasi ey ku dhinteen 7 kamid ah Xoogaga Al-Shabaab ee ku sugnaa goobaha ey duqeebta ka dhacday sida uu sheegay.
Waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa in duqeentaasi uu ku dhintay sida uu sheegay horjoogi katirsan Al-Shabaab kaasoo ku sugnaa Tarako isagoona sheegay in lagu magacaabi jiray horjoogaha geeriyooday Muscab Dheeree waxuuna intaa siidaba dhigay hadalkiisa in looyaqaanay ninkaan geeriyooday Saciid Maxamed Xaashi sida uu hadalka u dhigay.
ilaa iminka macadda illo madax banaan oo cadeyneysa qasaaraha dhabtaa ee ka dhashay duqeyntaan marka laga soo tago hadalka saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobalka Gedo.
Degaanadaan laduqeeyay ayaa 30 ilaa 45km u kala jira Fax-faxdhuun iyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gado sad uu warbaahinta u xaqiijiyay Aadan Axmed Xersi Rufle.