DAAWO+VIDEO:Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha Cigaal -Naaleeye Oo War saxaafadeed Ka Soo Saaray Afar Qof Oo Buuhoodle Afduub Ahaan Ugu Haystaan Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer
Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Cigaal-Naaleeye oo Maanta shir balaadhan ku yeeshay Magaalada Buuhoodle ayaa Waxa ay ka Hadleen afar Qof oo ka soo Jeeda Gobolka Togdheer oo Maalintii Labaad afduub loogu haysto Magaalada Buuhoodle iyo sababaha dadkaasi ay Xiligani Buuhoodle ugu haystaan, Waxayna Waxgaradkani sheegeen inay u haystaan Jamac Kuutiye oo ah Muwaadin ka soo Jeeda Deegaanka Buuhoodle oo u xidhan maamulka siilaanyo.
Cuqaasha iyo Waxgaradka Beel Waynta Cigaal-Naaleeye ayaa geesta kale shaaca ka Qaaday inaanay Waxba kala socon Heshiiskii Dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Waftigii Dhinaca Buuhoodle ka tagay, Waxayna Waxgaradkani sheegeen inaanay siidaynahay Ragani inta Jamac Kuutiye ku Xidhan yahay Magaalada Hargaysa ee Dhinaca SNM.
War ninmankaan soomaliland haloo dhibo? yaan loo hilin=ninsaas tuuga ah oo dad layn jiray wada dad buu layn doonaa.