Howlaha Dowlada oo ku eg Beri iyo Madaxweyne Shariif oo xilka si KMG ah ku sii hayn doona iyo Wafti Qaramada Midoomay Oo sogadhay Moqdisho(TopNews)
Garoonka diyaaraadaha ee Aadan Cadde Airport waxaa maanta booqday xubno ka socda Yurub iyo amerika kuwaasi oo kulan la qaatay Madax ka tirsan Qaramada Midoobey oo jooga Muqdisho kuwaasi oo uu horkacayo Dr, Agoustina Mahiga.
Kulanka dhexmaray xubnaha ka socday reer Galbeedka iyo weliba Dr, Agoustina Mahiga ayaa waxaa lagu lafa guray arimaha taagan iyo weliba awooda xukuumada KMG ah oo la sugayey in ay ku ekaato bisha Agoust 20-keeda.
Waxaa ay go,aamiyeen Madaxdan maanta tagtay Muqdisho in uu ku egyahay wakhtiga xukuumada KMG ah ee Soomaaliya iyo weliba Madaxda kale ee Dowlada maalinta berito ah oo ku beegan 20-agoust, iyagoo sheegay in uusan jirin wakhti kororsi.
Docda kale marka laga soo tago awooda xukuumada iyo madaxda Dowlada ee berito ku eg waxaa isla kulankaasi lagu shaaciyey in uu keliya xilka si KMG ah u sii hayn doono Madaxweyne Shariif dhowrka maalmood ee soo socota.
Shir jaraa’ida oo uu qabtay Mahiga lagu ayaa tibaaxay in waqtiga loo qabtay in lagu dhameeyo howlaha u harsan dowladda aan wax waqti ah lagu dareen si loo dhiso dowladda cusub oo ay yeelato Soomaaliya waxa uuna tibaaxay in 20 august ay ku egtahay xilka mas’uuliyiinta dowladda.
Shaqada Dowlada oo dhan ayaa dhamaatay marka la gaaro berito 20-agoust, arintaan ayaa ah mid si deg deg ah ku timid marka loo eego wixii la filayey ee ahaa in doorashada dalka dhacdo 20-agoust oo ah berito balse dib ayey u dhacday.