(Topnews)Shariif Xasan iyo Dr Gaas oo laga saaraayo Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/Wali Maxamed Cali Gaas oo labaduba lagu soo daray liiska magacyada 202 xubnood ee la-soo bandhigay, ayaa waxaa lagu wadaa in dib looga saaro, sida ay sheegeen dadka ku shaqada leh.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Turxaan Bixinta ee IFISO oo ay ku bahoobeen Ururada Bulshada Rayidka ah Qaarkood ahna Udoodayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika Xasan Shire Sheekh, oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga, ayaa sheegay inaysan Cadaalad ahayn in Baarlamaanka lagu soo daro rag eedeysanayaal ah, lagana reebo kuwo kale oo eedeysanayaal ah.
Iyadoo magacyada la-soo gudbiyay laga reebay hogaamiye kooxeeyadii laga itaalka roonaaday, ayaa wuxuu Gudoomiyaha uu sheegay inaysan suura-gal ahayn, in iyaga laga reebo kuwo kalana lagu soo daro, sida uu sheegay.
Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay inay run tahay in takri fal hanti Qaran lagu soo eedeeyay Madaxda Dowladda, horeyna loo-shaaciyay inta eedeymahooda meel laga saaraaya inaysan ka qeyb-geli kareyn Dowladda cusub ee la-soo sameynaayo, isla-markaana in liiska cusub ee Xildhibaanada Baarlamaanka lagu soo daro ayuu sheegay waxaan xilligaan wanaagsaneyn.
“In Takri fal lagu sameeyay hanti Qaran oo loogu talla-galay Ummada Soomaaliyeed, in si xun loo-isticmaalay mucaawino ku aadaneyd dad baa dhibaato qabo iyo dagaal ooge dagaal, marka in mid la-daayo, mid kalana in lagu soo daro wax wanaagsan maaha” ayuu yiri Xasan Shire Sheekh.
Mr Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka laga saari doono shakhsi walba oo eedeysana ah, isla-markaana taasi ayaa wuxuu ku sheegay mid xilligaan ay ka shaqeynayaan Guddi Khuburada ah, sida uu yiri.
Dhinacyo badan ayaa waxay ka fadhiisteen magacyada Dr Gaas iyo Shariif Xasan oo lagu arkay Xildhibaanadii hour-dhaca ahayd ee la-soo gubiyay, oo uu tiradoodu ka koobnaa 202 Xildhibaano, ee ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka.
Si kastaba ha-ahaatee haddii hogaamiye kooxeeyadii si rasmi ah looga saaro liiska magacyada Xildhibaanada cusub, ayaa waxaa markaasi lagu khasbanaan doonaa in iyana magacyadooda dib looga saaro Shariif Xasan iyo C/Wali Gaas, maadaama la-sheegay in Cadaalad loo-baahan yahay.
SAX XAQU WAA IN LAG SAARO WAAYO IN DADKA LOO KALA EEXDO MAHA
AM DENBIILO DHAN HA LA SAARO , AM HA LA WADA DAAYO WAA SAX.
ciil iyo cara waynaa
nalaga adkaa waxaan miciin bidaynaa hebelbaa la saari doonaa
hadaad dhimanayso dhareerka waa layska duwaa waa maah maah somaliyed
waadh yaadhaheen dee waa inagu ceeb qoraalada noocaan ahi ee inagadaaya
daacad waa in loo wada shaqee yaa oo xaqdaro layska fogee yaa ileyn ilaah wuu ku waydiin hadii aat dadka u kala eexato no mtr qofkan waxa aat isku tihiin. xaqdaro iyo awood sheegasho ma wanaagsano maalinta qayaamaha ee dadka lasoo saaro ilaahay wuxuu yiraahdaa anaa jabaar ee soo saara dadkii aduunka sheegan jiray boqortooyo iyo kuwii wax xukumi jeray maanta waa sidee xaalkiina hade ilaahay swt wax uumoog yahay majiraan ogow.