XOGHOOSE:Maxaa ka jira in Mahiga uu lacag ka qaatay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa waxaa si hoose loo soo ogaaday in qarashaad aan caadi ahayn uu ka qaatay xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Mahiga oo awood gaar ah adeegsanaaya ayaa la sheegay in dhamaan xildhibaanada cusub ee dhawaan magacyadooda la shaaciyay uu qofkiiba ka qaatay dhowr kun oo doolar, isagoona la sheegay inuu diiday in xildhibaan laga dhigo qof aan isaga lacag laaluush ah siin.
Dad si gaar ah ugu dhaw Mahiga ayaa warbaahinta Afbakayle.com u sheegay in lacagta uu helay Mahiga ay tahay mid aad u badan, iyadoona sidoo kale la xaqiijiyay 73 xildhibaan ee weli aan la magacaabin ay yihiin xubno lacagtii diiday islamarkaana sheegay in dalkooda aan lagu baadi karin.
Sidoo kale Mahiga ayaa la tilmaamayaa in weli uu doonaayo inuu lacago kale sii helo taas oo ay aad ugu jah wareereen gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dib u dhacay xilligii loogu tala galay in lasoo dhameeystiro xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, islamarkaana baarlamaankaasi uu yeesho gudoomiye cusub maadaama la doonaayo in si deg deg ah looga baxo marxalada KMG ah.
Fu,aad Karaama
Garowe/Puntland
Afbakaylenews@gmail.com