Daawo Sawirada :Dagaal Gacan kahadal oo ka dhacay xurunta ay ku Shirayeen Baarlamaanka Cusub.
Kulan ay Maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee dhawaan loo soo Xulay in ay noqonayaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loogu qeybiyay aqoonsiga Xildhibaanimo ee Soomaaliya.

Xildhibaanadaani ayaa waxaa ka dhex muuqday C/wali Gaas iyo Shariif Xasan Sh. Aadan oo ka mid noqday Xubnaha Baarlamaanak Cusub ee Soomaaliya yelaneyso waqtiyada na soo aadan ee la filayo in looga gudbo Xilliga KMG.
Dhanka kale Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in ay kacan ka hadal uu ku dhexmaray Xubno ka mid ah Baarlamaanka Cusub, iyadoo la sheegay in ay hal beel ka soo wada jeedaan xubnaha Gacan kahadalka uu dhemaray.
Maanta ayaa waxaa Baarlamaanka Cusub laga filayay in ay Doortaan Madaxweynaha Dalka Hogaamin lahaa mudada Afarta Sanno ah ee nagu soo aadan, iyadoo ay dib u dhac ku timid Doorashadaa.