(TopNews)Shariif Xasan iyo Dr Gaas oo kusugan Hoolka Shirka Barlamaanka cusub iyo Gacan kahadla dhexmaray qaar kamid ah…
Wararka aan ka heleyno halka uu xiligan kasoconayo kulankii ugu horeeyay ee la filayo in ay yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacayDagaal gacan ka hadal ah.
Xarunta Xalane ayaana lagu soo waramayaa in xiligan ay ku aruursan yihiin Xubnaha Baarlamanaka Cusub kuwaa oo la filayo in ay maanta yeeshaan kulankii ugu horeeyay sidoo kale Halkaasi lagu dhaariyo.
Inta badan Xubnaha Magacyadooda horey loo soo gudbiyay ayaa halkaasi kusugan waxaana kamid ah Xubnaha Baarlamaanka ee goobtaasi kusugan Cabdi Wali Gaas Raizul Wasaraha Waqatigiisa Dhamaaday ,Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada.
Ilinka hore ee halka uu shirku kasocdo ayaa waxaa ka dhacday Foodo iyo gacan ka hadal ay faraha isku qaadeen labo Nin oo la sheegay in ay isku heestaan kamid ahaanshaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Dagaalka labada dhinac ayaa ka dhashay sida Wararka aan ku heleyno Nin oday ah ay horey beeshiisa usoo gudbisay kaa shalay fursad u helin in loo sameeyo Kaarka aqoonsiga hasa ahaatee loo ogolaaday in uu Baarlamanaka kamid noqdo , hasa ahaatee wax ba aiks badalay gadasahiis isla xalay ayaana ninkan magaciisa lagu badalay nin kale oo dhalinyaro ah oo lacag iyo laaluush goobta lagu keenay.
Ninka odayga ah ee Ninkan lagu badalay ayana feer iyo haraanti ku bilaabay ninkii lagu badalay iyadoona halkaasi uu ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal waxaana ugu dambeyn banaanka loo saray labadaasi Nin ,gudiga Farsamada iyo Odayaasha ay kazoo jeedaan labadaasi Nin ayaa loo xil saaray in arintooda soo dhameeyaan.
Waxaa sidoo kale Xubnaha Baarlamaanka Cusub laga dalbaday in Odayaashooda horey usoo wataan si meesha uga baxdo Shakiga ku aadan in Xubno aan odayaashu keenin in ay ku jiraan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.