afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:34 pm | Posted by

War Dag dag Ah:Dhaarinta Xildhibanada Cusub Oo Haatan Kasocota Magaalada Moqdisho

Wararka haatan naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu furmay kulankii xildhibaanada barlamaanka, Lagu dhaarin lahaa, kaasoo ay kasoo qayb galeen musuuliyiin tiro badan.

Waxaa furmay Kulanka iyadoo la dhaarinayo haatan qeybtii hore ee Xildhibaanada dowlada,mid kamid ah dadka halkaas kusugan oo shabakada afbakayle xidhiidh la samaysay ayaaa sheegay in Xildhibaanada ilaa shan shan loo dhaarinayo.

Ilaa Shan Garsoore ayaa kusugan goobta, waxaana Xildhibaanada la dhaarinayo kamid ah Gudoomiyahii Barlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Gaas.

Dhaarintan ayaa kusoo aadaysa xili wali ay taagan tahay cabadashadiii madaxweynaha dowlada KMG ee ahaa in xildhibaanada qaabka loo soo xulaysa aysan ahayn mid wanaagsan.

Dhaarinta aaya haatan socot wixii warar ah ee kasoobaxa ka filo afbakayle.com insha allah

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/somaliya\

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM