War Deg Deg ah:Madaxweyne Sh Shariif iyo Mahiga oo ku biiray Kulanka dhaarinta Xildhibaanada Cusub
Wararka Hada naga soogaadhay Xarunta ay kasoco dhaarinta xidhibaanada cusub ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada KMG iyo Mahiga ay ku biireen ka qeyb galka kulanka lagu dhaarinayo Xildhibaanada Cusub.
Madaxweynaha dowalda KMG iyo Mahiga ayaa waxaa usoconayay kulan xasasi ah saacadihii lasoo dhaafay, waana taas mida keentay in dib udhac uu ku yimaado kulanka lagu dhaarinayo Xildhibaanada Cusub.
Mid kamid ah suxufiyiinta Shabakada Wararka Afbakayle.com Oo kusugan Hoolka shirka ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG iyo Mahiga ay khudbado ka jeedin doonaan Kulanka iyagoo sidoo kale kahadli doona qaabka loo soo xulay Xildhibaanada Cusub.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka, Ceydiid Ilka-xanaf ayaa dhaarinaya Xildhibaanada Wada iyadoona qeyb qeyb loo soo istaajinayo, waxaana ay xubnaha ukala horeeyaan qaabka Alphapetka ama xarfaha.
Waxaa lagu wadaa in dhaarinta Xildhibaanadan oo gaaraya 225 lasoo gaba gabeeyo goordhow kadibna waxaa ay dooran doonaan Ninka ugu weyn si uu shirkooda u shir gudoomiyo.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com